kulampur(AN)Ra’iisul wasaare Najib Razak ayaa qoraal ku sheegay in haraaga, loo maleynayo inuu yahay qeyb ka mid ah garabka diyaaradda, loo diri doono Toulouse si loogu sameyo baaris dheeri ah oo lagu ogaanayo inay tahay diyaaradii la waayay ee Malaysian
Airline ee duulimaadkeedu ahaa MH-370
Diyaaradda oo ay saarnaayeen 239 rakaab ah ayaa la waayay sanad ka hor . Dowladda Australia ayaa ku tilmaantay helista burburka diyaaradeed inuu yahay muhiimad soo baxday.
Qeyb kasta oo diyaaradda ka mid ah ayaa leh tiro taxane ah oo lagu ogaan karo. Dadaalka baarista ayaa xoogga lagu saaray dhul lix kun oo kiilomitir ee bariga Reunion, waxayna qubarada sheegayaan in burburka uu halkaasi ka yimid
xigasho BBC









