Burco(AN)Madaxweynaha Qaranka Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo galabta kormeeray Bukaanka Cusbitalka burco deeq xoolo ahna gaadhsiiyey.
Madaxweynaha iyo weftigii uu hogaaminaayey oo maalmahan ku sugan gobolka togdheer gaar ahaan magaalo madaxdiisa burco, ayaa galabta kormeer ku soo maray wadooyinka waa weyn ee magaalada burco oo shacbiga magaalada burco ku dhaqani ay sawaxan iyo sacab la taagnaayeen, ka dibna madaxweynuhu waxa uu soo kormeeray bukaan jiifka cusbitaalka guud ee burco.
Kormeerkan ayey u jeedadiisu ahayd xaalada guud ee ay ku sugan yihiin bukaanada kala duwan ee xanuunada u jiifa waadhadhka dhakhtarka kuwaas oo isugu jira caruur iyo cirooleba.
Madaxweynuhu waxa uu bukaanka mid mid uga waraystay xaaladiisa caafimaad isaga oo u duceeyey in alle ka dulqaado xanuunada oo uu siiyo caafimaad taama, waxaanu madaxweynuhu bukaanka iyo cusbitaalka guud ugu deeqay xoolo nool si loogu qalo.
ka dibna waxa uu madaxweynuhu ku soo noqday xarunta guriga martida ee burco oo uu magaalada ka degan yahay.










