Hargeysa(AN)Labada Xisbi Mucaarad ee Ucid iyo Waddani ayaa Maxakamadda sare ee Somaliland u gudbiyay dacwad ka dhan ah Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland Cabdillaahi Fadal Iimaan, Wasiir xigeenka arrimaha gudaha ee Maamulka gobolada Mr Cadarre iyo Guddoomiyaha Maroodijeex Mudane Jeeniyare.
Asxaabta Mucaaradka ayaa warqaddooda oo nuqul ka mid ah Mareegta Ramaasnews heshay waxay kaga cabanayaan go’aanka saddexdaas masuul ku shaaciyeen inaan asxaabtu qabsan karin shir ay arrimaha doorashada ee lagu muransan yahay kaga tashadaan, iyo amarka ah inaan asxaabtu Hotellada ku shiri karrin.
Xisbiyada ayaa warqaddooda ku sheegay inay u arkaan in amaradaasi xad gudub ku yihiin shuruucda asxaabta, xuquuqada aasaasiga ah ee muwaadiniinta iyo Dastuurka sidaas darteedna ay ka codsanayaan Maxakamadda sare in amaradaasi la hakiyo.
Xukumadda Somaliland ayaa amartay Dadka leh hotellada iyo meelaha lagu shiri karo inaanay asxaabta u ogolaan shirkooda sidoo kalena sharci darro ku tilmaamtay shirka Mucaaradka.
Maxakamadda sare oo laga filayo isbedel dhanka caddaaladda dalka ah ayaan la ogayn inay si saxa uga hawl gali doonto dalabka Mucaaradka iyo in xukumaddu faro galin doonto.
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








