“Hogamiyayaasha Calaamka Oo Tacsi Uu Direyaa Emir Sucuud al-Faysal, Wasirkii Ugu Mudada Dheera Ee Wasarada Arrimaha Dibadda”
Riyaad, Sucuudi Arabiya – Wasirkii hore ee arrimaha dibada Sucuudi Arabiya emir Sucuud al- Faysal oo laba bilood ka hor xilkii uu hayee mudo ka badan 40 sanadod ayaa xalay ku geeriyooday casimaada dalka Sucuudiga, Riyad sida ay uu xaqijiyeen masuul ku hadlaya afka wasarada arrimaha dibada dalka Sucudi Arabiya oo magacisa la yidha Cusman Nugaalli .
Emiir Sucuud al Faysal bin Cabdulaziz al Sucuud waxa uu dhashay sanadki 1940 kuna dhashay magalada Taef, ka dib waxa uu waxbarashadisa markii uu ka qaaliin jebiyay dugsiyada sekonderiga ayuu u dhoofay dalka Maraykanka sii uu halkaa uu ka sii wado waxbarashadisa heer jamacadeed, isgau ku biirey jamacaada Princeton badhtaamihi lixdaamaadkii isagu wax ka mid noqday kuliyada dhaqalaha ama Economics uu akhiirkii uu qaatay shahadada digriiga ama Degree. Waxa uu ku soo noqday dalkisa ka dib markii uu waxbarashadisa uu dhamaystay isagu markaa shaqadi uu horeysay uu xukukmada dalkaas ka bilaabay ay ahayd wasarada macdanta iyo betroolka, ka hor intaan uu badelin xilkii uu abihii uu hayee ee wasirka arrimaha dibada dalkaas Sucudi Arabiya.
Waxana uu xilka hayee mudo in ka badan 40 sanadod oo ay soo mareen xalaado siyaasadeed oo kala duwan mudadii uu xilka wasirka arrimaha dibada uu ahaa. Hogamiyayaasha iyo khubarada calaamka ayaa fariimoyin tacsi ah uu direyaa qoyska boqortoyada reer Sucud al Faysal iyo dhamaan shacbiga reer Sucudi Arabiya, oo ay ka taacsidenayaan geerida emir Sucuud al Faysal geeridii ku timid.
Falanqeeyayasha ka faalooda arrimaha siyaasada ayaa sheegaya in uu sumacad weyn iyo xalaado kala duwan ay soo mareen in kabadan labaatanyadii sanadod ay dhibaatoyin fara badan ka jireen Badhiiga Dhexe. Gudomiyaha ururka Jaamacadda Carabta Naabiil al Carabi ayaa sheegay in dunida uu ka baxay nin weyne oo siyaasada mudo badan ku soo jirey, isagu ku tilmaamay marxum emir Sucuud al Faysal in uu ahaa nin sharaf iyo magaca kaga tagay tegay barxaada siyaasada arrimaha dibada iyo guud ahaan siyaasada ba.
Marxuum emir Sucuud al Faysal ayaa dadweynaha ama shacbiga dalka Sucuudi Arabiya uu yaqaanen in uu ahaa codki iyo wajiigi shacbiga oo inta badan arrimo badan muwaadiininta khuseyaa uu qabtay, sidoo kalena uu ahaa nin xaad iyo goor arrimaha siyaasada sii dibloomasiyadeed uu xaalin jirey sii amuusan oo bila raabshad ah.









