Masuul Xisbiga Kulmiye Iska Casilay xilkii , Raali Gallinna Siiyay Samaale +Ujeedada-

0

Hargeysa(AN)July-09-2015-Madaxii Xafiiska Maamulka iyo saxaafadda ee Xisbiga Kulmiye Mustafe Iid Maxamed, ayaa iska casilay xilka uu Kulmiye ka hayay, waxaanu xisbiga ku eedeeyay mid aanu suuro gal ka ahayn isbedelkii laga sugayay.

Waxa uu sidoo kale raaligalin siiyay Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo uu sheegay inuu hore uga taageeray Masuul uu ku sifeeyay mid daaro dhisasho ku mashquulsan.

Nuqul ka mid ah Iscasilaadda Masuulkan oo Arabsiyonews soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:-

– See more at: http://ramaasnews.com/index.php/News/Masuul-Xisbiga-Kulmiye-Iska-Casilay-Oo-Eedeeyay-Xisbiga-Raali-Gallinna-Siiyay-Samaale.html#sthash.REvqMxlh.dpuf

 

 

 Aniga oo ah Agaasimihii Xafiiska Maamulka iyo xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga kulmiye ka dib Markii aan soo taabtay ina aanay jirin rajadii isbadal ee xisbiga kulmiye dhexdiisa laga sugayay

Markii aan ku qancay siday waajib waddaniya  u tahay ka qayb qaadashadda dadaalada isbadal doon ee dalka ka socda, waxan go’aansaday inaan iska casilo xilkii iyo xubinnimadii xisbiga kulmiye.

Waxaan ka raali- galinayaa Wasiirkii hore ee maaliyadda Md,  C/Casiis Maxamed Samaale  taageeradii aan ka taageeray nin aan hankiisu Daaro dhisasho dhaafsiisnayn.

Gabagabadii waxan bulshada reer Somaliland iyo taageerayaashaydaba u cadaynayaa in aanay ilaa hada jirin meel aan si rasmiya ugu biiray , balse aan taladiina ka dib halkaynu ku qanacno inay danta dalka iyo dadku ku jirto aynu taladeena iyo taageeradeenaba la garab istaagi doono. Haygana filina inaan sida raga qaar saq dhexe go’aan gunnaysan idinkaga salaliyo.

ALLAA MAHAD LEH

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha Xafiiska Maamulka iyo Xidhiidhka Saxaafadda ee xisbiga KULMIYE.

 

Arabsiyonews.com

Hargeisa Office