Arabsiyo(AN)Magaalada Arabsiyo ayaa waxa Ragaadiyay Maamul Xumo baahsan,oo ay Caadaysteen maamulka ka jira oo ay Shaqadoodu Dhaafi wayday inay kaliya ka qayb galaan Munaasabadaha,Kuna mashquulaan barta Facebookga oo dadka qaab indhasarcaad ah ugu soo dhigaan hadba wax yaabaha Bulshada ku dhaqan Degmada Arabsiyo iskood wax uqabso ku keenaan.
taas oo ay ka dhigaan qaar iyagu kadanbeeyey oo sawirka ukala badiya.taas oo badalkeeda ay iloobeen waxaana markaad aragto Degmada Arabsiyo oo kamid ah magaaloyinka fara ku tiriska ah ee taariikh ahaan iyo bulsho ahaan ugu facwayn gobolka Gabiley ,
muuqaalka iyo mahadhooyinka duruufeed ee dul hoganaaya Arabsiyo waxay marag madoon cad utahay qofka arkaa oo markiiba hor imanaysa sida humaaga suaalo dhawra oo ay kamid yihiin Talow magaaladan yaa maamulo?sideebayse dadka ku dhaqan Arabsiyo u arkaan maamulka fadhiidka ah ee curyaamiyey horumarkii xadaarada ku dhisnaa ee ay mudada dheer ku soo caana maashay?
Magaalada ka aradaan dhamaan kaabayaashii bulshada ee Arabsiyo,taas oo jawaab cad unoqonaysa Maamulkii magaalada oo habayaaraatee aan ahayn qaar aqoon iyo hufnaan baaxadleh uleh habka maamul iyo dhaqan dhaqaale ee bulshada ay uyihiin uulul amriga.hawshii ay umada uhayeen.
taasoo aad arkayso inay kadib dhacday Dagmooyinkii lala magacaabay,Dagmadan Arabsiyo ayaa caan ku ah xaga waxasoo saarka,iyadoo ay kasoo baxdo khudrada ugu badan dalka Soomaaliland,Waxaase qariyay waxsoosaarkii ay Bulshadu caanka ku ahayd Dhibka haysta maamul Xumo baahsan oo ka jirta dagmada Arabsiyo,Waxyaabaha Mooraalkaagu ka xumaanayo waxa kow ka ah Dhibaatada qashinku ku hayo magaalada arabsiyo oo aanay jirinba Hayjintii loogu talo galay inay nadaafada ka Shaqayso,Sidoo kale waxaa meesha ka muuqan habkii maamul ee dadka loogu baraarujin lahaa iskaa wax uqabso ,badiba Ganacsatada magaaladu waa qaar uheelen horumarka diyaarna la ah sidii magaalada Arabsiyo horumar wax ku ool ah ugaadhsiin lahaayeen hadana waxa calaamatul suaal ku ah kalsoonida ay ku qabaan Maamulka ay dawlada dhexe usoo igmatay sidaasi waxa Staffka shabakada Arabsiyonews Uxaqiijiyey mid kamid ah Ganacsatada magaalada Arabsiyo oo kagaabsaday magaciisa
waxaanu ku daray intaas ganacsadahani “anagu hadaanu nahay ganacsatada magaalada diyaar ayaanu unahay wixii horumar ah laakin yaa wax lagu aaminaa maamulkii dawlada hoose ee masuuliyadan lahaa mid aan iyagaba soo dhaafayn oo marar ay wax umada ka ururiyeen aoo ay kamid ahayd 18may iyo munaasibada noocaas ah ay dhacday wax isdaba marin taasina waxay kalsoonidii aanu ku kalsoonay halkaas ayay ku burtay….”
tani waxay marag cad utahay musuq maasuqa baahsan ee ka jira Dawlada hoose ee Arabsiyo taas oo uu ugadhwadeen ka yahay Gudoomiayah C/laahi Cabdi Faarax taas oo markaad aragto masuuliyiintan ay kuu sheegayaan in meesha ay iska dhex fadhiyaan oo aanay habayaraate wax dhaqaalihi jirin
sida ay ilo xogogaal ahi uxaqiijiyeen Shabakada Arabsiyonews ayaa tibaaxay in dakhliga magaalada soo galo 100% ku filanyahay hadii loo maareeyo mid ay lexjeclo kamuuqato hantida umaduna ku dhecdo meelo khaldan oo kala ah
1. Aqoon daro dhanka xisaabadka iyo dhaqaalaha maamulka kahaysta oo kow katahay soo xerayn laanta cashuurahaku waajibay dadka degaanka oo aan habayaraate loo tagin umaduna markasta la diyaartahay shacbiga Arabsiyo ay hormuud ka yihiin cashuur bixiyayaasha laakin waxay suaashu tahay qaab nooceeya ayaaa looga soo qaadaa ,voucheradu ma qaar diwaan gashanbaa mise waa la isdiwaan galiaa uun ……..taas waxay boog ku tahay maamulka Arabsiyo ee caadaystay la xisaabtan la,aanta kuna caana maalay…………..
2.hab musuq maasuq oo xisaabtan jirin oo dariiq u ah astaan ay caan ku yihiin maamulka Dawlada hoose ee Arabsiyo “war orod oo inooga soo qaada kii aan cashuurta ku lahayn oo wuxuu hayaba kasoo qaada haba yaraatee….”
kuwaas iyo kuwo udhigma oo umuuqda baabul shaxaad ayay intaa kula dhexjiraan bulshadii ay maamulayeen ee ay magacooda meelsare kumari lahaayeen
Dhacdooyinka yaabka leh ee aad ku arkayso maamulka Degmada Arabsiyo waxa astaan uah haba yaraatee iyagoo xafiisyadii ay ku shaqayn lahaayeen 24sacdoodba uu xidhan yahay albaabada qaarna bilaa handaraab yihiin ,xafiisyada maamulka haba yaraatee ku arki maysid wax Decomenty ah ee indhahaagu waa qaar qabanayaa miisas iyo kuraas umuuqda qaar mudaba aan lagu fadhiisan oo boodhka iyo habaaska ka muuqda aanad malaynayn,waxaana xafiisyadan ka dhex muuqda maalinta cad Washmaanka ilaaliya xafiisyadan oo dhex hurda barandaha hore ee dhismahani
taas badalkeeda waxaad ku arkaysaa goobahaa dadku ku shaahan iyagoo dhex hoganayaa masuuliyiintii lana mid ah bulshada goobtaas ku sugan oo aanay habayaraatee ka muuqan wax layidhaa habkii muumul umad umadaxa ka muuqday waxaana taas kaaga sii dararn C/laahi Cabdi Faarax Gudoomiyaha Degmada Arabsiyo malaha habayaraate wax gadiid ah oo ay dawladii soo magacowday ugu tala gashay waana Gudoomiyaha kaliyee 6 degmo ee Gobolka gabiley wali afanteryga ah ama joogteeya wali lugtii
suaashu waxay tahay Gudoomiyihu ma isagaan doonan agabkii lagu yaqaanay Gudoomiyaha ee uu ugu horeeyey gadiid uu kaga war hayo umada uu madaxda ka yahay ?
Mise isaga ayay aqoon daro ka haysaa maamulka oo magac uun bay katahay ?
Lasoco qaybaha danbe ee Warbixinta ku saabsan Maamul xumada ragaadisay Degmada Arabsiyo qormadan ta ku xigta waxaan ku soo qaadan doonaa xogo qarsoon oo ay kamid tahay dhaqaalaha maalintii soo gala Degmada Arabsiyo qaabka loo maareeyo iyo mudada shaqaalaha dawlada hoose aanaymushahar qaadan iyo qodoba muujinaya barta madow ee ay ka taransan laadahay magaalada Eebe ku manaystay bilicda iykhayraadka beeraha








