‘’Arinta uu Xirsi ka dhawaajiyey waa mid uu ku wiiqayo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo kuna soo faruuray Mucaridad waxaanay utaala isaga iyo Madaxwaynaha…”Wasiirkii hore Arimaha Dibada S/land

0

Hargaysa(AN) Wasiirkii hore ee Arimaha Dibada Sland Maxamed C/laahi Cumar ayaa markii ugu horaysay kahadlay hadalo dhawaan ka soo yeedhay Wasiirka Madaxtooyada iyo waraaqo sir ah oo muujinaya in xukuumadu  heshiis midnimo ah lagashay dawlada Somaaliya

Dr Maxamed C/laahi Cumar ayaa ugu horayn ganafka ku dhuftay in aanay waxba ka jirin dhacdadaas

“Anigu halkan waxaan ka cadaynayaa mudadii aan Wasiirul khaarijiyaha ahaa  in wax sexeex ah lagalin Somaaliya iyo Puntland Madaxwaynuhuna aanu sexeexin anana aanan Sexeexin”

Waxa kale oo Maxamed Cabdilaahi eedo dusha kasaaray Wasiir Xirsi isagoo ku tilmaamay mid wiiqaya oo burburinaya Xukuumada Axmed Siilaanyo kuna soo faruurayay Mucaaradad aan loo babac dhigayn

Hadaba halkan ka Daawo hadalkii Dr Maxamed C/laahi Cumar

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk