Hargaysa(AN)-Xukuumadda Somaliland iyo xisbiga kulmiye ayaa ka jawaabay dhaliilo maalmihii ugu dambeeyay uga imanayay asxaabta mucaaridka ah oo ku eedeynayay inay ka baxeen heshiiskii ay wada gaadheen xukuumada iyo xisbiyada qaranka .
Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah madaxtooyada Somaliland ugu qabteen hoggaanka kulmiye iyo Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa lagu sheegay inaanay ka bixin heshiiskii ay xukuumadu la gashay xisbiyada qaranka ee ku saabsanaa muddo kordhinta xukuumada iyo baarlamaanka Somaliland.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay inay dhankooda diyaar ka yihiin doonayana inay qanciyaan odayaasha guurtida oo hore u qaatay go’aankoodii dastuuriga ahaa.
Md Saylici waxa uu sheegay in xisbiyada mucaaridka ah laga sugayo inay yimaadaa miiska lagu qancinayo golaha guurtida Somaliland iyadoo la ixtiraamayo go’aankoodii dastuuriga ahaa ee ay ugu kordhiyeen xukuumadda Somaliland.
“xukuumadda iyo xisbiga kulmiye waxa uu taageersan yahay heshiiskii xisbiyada qaran ay isla gaadheen meel ay xukuumadu kaga baxdayna ma jirto,go’aanka guurtiduna waa mid sharci ah ,xukuumadda iyo xisbiga kulmiye waxa ay ku jiraan in mudanayaasha guurtida oo ah hayaddii xaqa u lahayd kordhinta inaan isku qancino sidii aan danta qaranka u qaadano oo iskula waafaqi lahayn”ayuu yidhi Madaxwyane ku xigeenka Somaliland.
Madaxwayne ku xigeenka Somaliland ayaa asxaabta siyaasada Somaliland u soo jeediyay inaan umadda la jaahwareerin ee la isla garto sidii la isku waafajin lahaa go’aankii golaha guurtida Somaliland iyo heshiiskii xisbiyada qaranka.
“maaha in dadka la jaahwareeriyo oo la yidhaah xukuumaddii ayaa ka baxday,waxaan qaadanayna waa xal siyaasi ah oo saddexda xisbi isla garteen beesha caalamka aynu ku raaligalinayay iyadoo u qaadatay inaynu ka dhago adeygnay ,waxa aanu hadda ku jirnaa sidii odayaasha guurtida oo go’aankoodii dastuuriga ahaa qaatay la isku waafajin lahaa ,ma jiro heshiis laga baxay”ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inaanu Kulmiye ka bixin heshiiskii ay xisbiyada siyaasadda iyo xukuumadu wada gaadheen,waxaanu labada xisbi mucaarid u soo jeediyay inay ka dhaadhiciyaan golaha guurtida sida ay isla garteen xisbiyada iyo xukuumadu.
“waa la isku yimid guurtidu halkii ayay naga hadhay oo ay yidhaahdeen annagu sharci ayaanu gaadhnay niman wax wada ma tihidine dadka ha wareerinaa,xisbiyadii mucaaridka ah waxa aanu ugu taag laanahay kaalaya oo ka dhaadhicinee odayaashii guurtida.”ayuu yidhi Muuse Biixi .
Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay inay xisbiga qaranku u siman yihiin hawsha doorashooyinka ee aanay ku koobnay cid gaarha.
“Hal qalad ah ayay umada ka dhaadhiciyaan madaxwaynuhu ha saxeexo,madaxwaynaha iyo Kulmiye iyo waddani iyo ucid way u siman yihiin arintaasi,innagaa doorasho doonayana,maanta waxa loo baahan yahay inaynu nidhaahno guurtida nala qaata codsi iyo talo ayaanu u gaynayaa,laakin xaggaya ayay qabyo ka tahay oo nimankii mucaaridka ahaa waxa ay nala soo hortaagan yihiin caalamka ayaynu u yeedhaynaa,waxa ay leeyihiin maxkamad ha la geeyo oo ma guurtida ayaa maxkamada la gaynayaa,waxa aanu leenahay hawsha waa la wada leeyahay ,waxa aanu leenahay aynu guurtida u tagno oo aynu nidhaahno arinta nala qaata,halkaasi ayaanu maanta fadhinaa”ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.
Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Cali Warancade ayaa hadalo hanjabaad ah warbaahinta u mariyay xisbiyada mucaaridka oo dhaliilahay xukuumada Somaliland,
“Waxa aan loo dul qaadan karin ,cayda waanu u dulqaadannaa kuwa marwooyinka aflagaadeeya waanu u dulqaadanaa,laakiin ninku marka uu yidhaah dawladi ma jirto,waxa aanu leenahay adiga ayaanu jirin,balan waxa aanu ku qaadaynaa inaanu barno qaranimadu waxa ay tahay shacabkuna taa ha ogaado”Wasiir Warancade.
Waxaa uu ku eedeeyay inay fariin u dirayaan cid aanu markaasi wasiir warancade magacaabin ,isagoo sheegay inay muddo kordhinta samaysa cidii loo igmaday
“Waxa aan anigu u arkaa in fariin loo dirayo,taasina ma soconayso,Somaliland go’aan ayay gaadhay cid ka baayacmushtarayn kartaa ma jirto,doorashadii way qabsoomi wayday cidii ku shaqada lahayd ayaa kordhisay,dawladu way jirtaa cidii lahayd ma jirtana waxaanu leenahay way jiri doontaa” Cali WaranCade.
Xisbiyada mucaaridka ayaa dhawaan xukuumadda Somaliland iyo xisbiga Kulmiye ku eedeeyay inay ka baxeen heshiis hore loo gaadhay oo ku saabsana muddo kordhintii ay sameeyeen golaha guurtida Somaliland.









