Arabsiyo(AN)Bulshada Ku Dhaqan Dagmada Arabsyo Ayaa walaac badan ka muujiyay Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka gabilay,
Kaasoo ay ku tilmaameen Mid aan Qancin bulshada Ku dhaqan dagmada arabsiyo,Gudoomiyahay gobolka Gabilay ayaa markii loosoo magacaabay Gobolka gabilay,Wuxuu bilaabay dardar Cusub oo ay ku diirsadeen,Bulshada ku dhaqan gobolka gabilay,gaar ahaan dagmada arabsiyo,
Shaqadiisii ugu horaysayna wuxuu ku gaalaa bixiyay Dhamaan dagmooyinka Gobolku ka kooban yahay,Shirar foolka fool ah oo uu la qaatay,Maamulada dagmooyinka iyo bulshada uu markaa Joogo,isagoo aad u dhagaysanayay baahiyaha Dagmada ka jira,
Hadaba hadaan ka hadlo kulankii ugu horeeyay ee uu Badhasaabku Bulshada ku dhaqan Dagmada arabsiyo iyo Maamulka dagmada,Shaqsiyana aan ka mid ahaaDadkii kulankaas ka qayb galay Kana Mid ahaa Dadkii ka hadlay,
Markuu Dhagaystay hadaladii kala gadisnaa ee Bulshada iyo maamulkaba,Wuxuu halkaa badhasaabku kusoo Afmeeray hadaladii uu goobtaas ka jeediyay ee waliba aadka usoo Jiitay bulshadii Reer Arabsiyood ama ay hoosta ka xardheen waxa ugu Muhiimsanaa,
Wuxuu Sheegay gudoomiyuhu in Maamulka dagmada Arabsiyo uu ka rabo inay qoraal kusoo gudbiyaan,Waxyaabaha ragaadiyay dagmada Arabsiyo inay laba Cisho Gudohood kusoo gudbiyaan,Waxa kale oo uu ku Amray Masuuliyiinta dawlada hoose laga Rabo qorshaha dagmada ee Sadex biloodka ah,in laga helo xafiiskiisa,Sadexdan bilood markay dhamaadaana uu la yeelan doono Shir Noocana oo lagu xisaab tami doono bulshada horteeda,iyadoo ay Markaas markhaati ka tahay Bulshadu,laakiin ayna waxba ka fulin hawshaas Isagoo badhasaabku ku Badhi furay arinkii uu bulshada u qaaday,waxa kaloo jirta kaawaan uu badhasaabku ku faano oo uu ilaa madaxwaynaha hortiisa uu ka sheegay inuu dhamaadayna uu kala badh aanu dhaafin
Hadaba Bulshada ku dhaqan dagmada Arabsioyo waxay ku sifeeyeen badhasaabka balanqaadkii beenoobay sheekadii ciyaalka looga sheekayn jiray ee looyaqaanay sheeko xariir ee ahayd malawaal iyo wax xaqiiqda ka fog
Lasoco qaybaha danbe……………………..
Arabsiyonews.com
Muuse Xuseen Xasan
Arabsiyo Office








