Berbera(AN)-Masuuliyiinta Gobolka Saaxil ee Somaliland, ayaa beeniyey in daryeel la’aani haysato dadka qaxoontiga ka soo yaacaya colaadda dalka Yemen ee ka soo degaya dekedda Berbera.
Xarun ka shaqaysa xuquuqda aadamaha oo la yidhaa HRC, fadhigeeduna yahay magaalada Hargeysa, ayaa war ay soo saartay toddobaadkan ku sheegtay inay dhibaatooyin fara badani haystaan qaxoontiga reer Yemen ee ku sugan magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kuwaas oo ku sugan nolol adag oo aan lahayn ama ku yar yihiin adeegyada aasaasiga ah sida cuntada, biyaha iyo guryaha.
Haseyeeshee, Badhasaabka Gobolka Saaxil Md. Fahmi Cabdi Bidaar, ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin eedaymahaasi, balse ay daryeel u fidiyaan dadka ka soo qaxaya dagaalka Yemen, “Runtii qaxoontigii caadi buu u socdaa, labadii xarumood sidii caadiga ahayd baa loogu dejiyaa, xarun saddexaadna waanu diyaarinaynaa. Dad baa jira qaxoontiga Somaliland ka hadlayey, waxaan leeyahay waa qof aan waxba ogayn ama si kale wax u arkay cidda leh qaxoontiga waa lagu xumeeyay Berbera iyo Hargeysa. Marka Markabka laga soo dejiyo biyo ayaa la siiyaa, baabuur baa lagaga soo qaadaa oo xerada ayaa la keenaa, taas oo loogu sii diyaariyay adeegyadii caafimaadka, cuntadoodii oo saddexda waqti ah iyo biyo,” ayuu yidhi Fahmi Cabdi Bidaar oo warbaahinta la hadlay maanta.
Warsaxaafadeed ay soo saartay xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland ayaa sheegtay inay aad uga walaacsantahay xaalada Yemeniyiinta ku nool Magaalooyinka Somaliland ee Berbera iyo Hargeisa,waxaanu sheegay inay booqasho ay ku tageen Magaalada Berbera ku soo arkeen xaalad laga naxo.
Warsaxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay shabakada Tooshnews ayaa u dhignaa sidan:-
20-ka June waxa dunida oo dhan laga xusaa Maalinta Qaxoontida Aduunka. Sanadkan waxa uu la kowsaday Somaliland iyada oo ay ku soo qul-qulayaan Yamaniyiin ka soo cararaysa dagaalka ka socda dalkoodii.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xaaladda naxdinta leh ee ay ku nool yihiin Yamaniyiinta degan Berbera iyo Hargeysa. Xaruntu waxay aragtay qaxoonti Yamaniyiin ah ay ku haysato duruuf aad u adagi magaalada Hargeysa. Yamaniyiinta ay booqatay Xaruntu waxay ku nool yihiin qolal aad u yar yar oo ay kiraysteen. Qol walba waxa ku wada jira sadex ilaa afar qoys. Ma haystaan adeeg caafimaad, cunto iyo wax barasho toona. Badankoodu waa dad faqiir ah oo aan awood u lahayn inay iska bixiyaan kiro, cunto iyo biyo.
Xaruntu waxay indheheeda ku soo aragtay qoysas ku dul seexda sibidh madhan oo aan waxba dusha ka saarnayn. Xaaladoodu waa mid aad u xun, gaar ahaan caruurta.
Dadkani ma helaan taageerada ay u baahan yihiiin sida guryaynta, cuntada, waxbarashad iyo diiwaangelinta. Duruufta ay ku nool yihiin waa mid aad u liidata. Meelaha qaar dadka deegaanka ayaa isu xilqaamay oo siiya waxay quutaan maalin, kana bixiyay kirada bil ama laba. Waxay ka cabanayaan in laga saaro guryaha waayo iskama bixin karaan kirada. Waa dad la dayacay oo ku nool xaalad xun.
Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ka codsanaysaa dawladda Somaliland, hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga ee UNHCR, iyo ururada kale ee caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah inay u gar-gaaraan Yaminiyiinta ku sugan Somaliland.








