Garowe(AN)-Lix Askari oo ka mid ah ciidamadii maamulka Puntland ku soo daad gureynaysay deegaannada Tukaraq ayaa geeriyooday halka shan iyo toban kalena dhaawacmeen kuwaasi oo dib uga laabta deegaankaasi .
Dhaawaca ciidamadan ayaa lagu dawaynayaa cisbitaalka guud ee magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland.
Ciidanka Shilka galay ayaa ka mid ahaa ciidamo hore uga tirsanaa ciidamada madaxtooyada balse dhawaan lagu soo daad gureeyay markii maamulka Puntland dhaqdhaqaaqa ciidan ka waday deegaannada Tukaraq oo ay doonayeen inay dagaal ku qaadaan ciidamada Somaliland oo iyaguna heegan ku jira.
dhanka kale waxa halkaas
Madaxwaynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Cisbitaalka weyn ee magaalada Garoowe ku booqday Dhaawaca askar katirsan Ciidanka Daraawiishta Puntland oo gaari ciidan uu kula dhacay deegaanka Buura-wadal .
Toban askari oo kamid ah Ciidanka uu gaarigu la dhacay ayaa shilkaasi ku dhintay halka laba iyo Toban kalana uu ka soo gaaray dhaawacyo kala Duwan.
Saraakiisha cisbitaalka ayaa madaxweynaha warbixin dheer ka siiyey xaaladda caafimaad ee ciidankaas, iyagoona sheegay in howlwadeenada caafimaadka ay ku howlan yihiin sidii ay gargaar caafimaad oo deg deg ah u siin lahaayeen.
Madaxwaynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyeeyay Geerida naxdinta leh ee ku timi tobankaasi askari isagoona alle uga baryey in jana Fardowsa uu ka waraabiyo samir iyo iimaan buuxana ka siiyo eheladii,qaraabadii, shacabka Puntland, saraakiisha ciidanka iyo guutadii ay ka tirsanaayeen.
Arabsiyonews.com
Garoowe Office








