Xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland Oo ka dayirsay xaalada ay ku sugan yihiin qoxoontiga ka soo cararay dagaalada Yemen

0

Hargeisa(AN)-Xarunta xuquuqal iinsaanka Somaliland HRC ayaa ka dayirsay xaalada ay ku sugan yihiin qoxoontiga ka soo cararay dagaalada Yemen ee ku sugan magaalooyinka Hargaysa iyo Berbera.

Guddoomiyaha xarunta Human Rights Center ayaa sheegay inay soo arkeen dad aad noloshu ugu adegtahay oo ku sugan goobaha lagu soo dhaweeyay dadka dagaalada Yemen ka soo cararay,waxaanu sheegay inay soo arkeen qoysas ku nool nolol qalafsan.

Guddoomiye Guuleed Axmed Jaamac oo waraysi gaar ah siiyay Telefishanka Royal Tv ayaa xukuumadda Somaliland iyo Hayada u dooda qoxoontiga ee UNHCR inay qoxoontigaas wax u qabtaan .