Lodon(AN)-Orodyahanka Somaliyeed ee Mo Farah ayaa beeniyay inuu doroogo isticmaalay,waxaanu sheegay inaanu waligii qaadan maandooriye orodkiisa kordhinaya.Orodyahankan labada biladood ee caalamiga ah haysta isla markaan u orda dalka Ingriiska oo macalinkiisa lagu eedeeyay inuu isticmaalo daroogo.
Warbaahinta Tooshnews oo soo xiganaysa qoraal uu warbaahinta ugu talo galay oo uu soo dhigay boggiisa Facebook-ga ayaa uu ku beeniyay inaanu waligii isticmaalin daroogo.“Waligay maan qaadanin maandooriyeyaal kordhinaya orodkayga, mana qaadan doono. Boqollaal baadhitaan ayaan soo maray intii aan xirfaddan ku jiray, baadhitaan kastaana wuxuu caddaynayey in aan waxba layga helin, saraakiishana si buuxda ayaan ugu sharraxay labada baadhitaan ee kaliya ee aan waligay ka baaqday, saraakiishuna way fahmeen”Mo Farah
Waxaanu intaasi ku daray “Labadii toddobaad ee tegay waxay ahaayeen kuwii ugu adkaa noloshayda, iyadoo laysla dhex marayey warar been ah oo aniga igu saabsan, waxaana iga cadhaysiisay saamaynta ay arrintani ku yeelatay qoyskayga iyo asxaabtayda, waxayna igu abuurtay cadho iyo murugo. Khaasatan warbaahinta ayaa culays saartay qoyskayga curdinka ah iyo xaaskayga oo uur shan bilood ah leh, waana wax xanuun badan marka aniguna aan tababar kaga maqanahay, uuna jiro tartan muhiim ah”ayuu yidhi Mo farah oo boggiisa Facebook-ga soo dhigay qoraal luuqadaEnglishka ku qoran oo uu ku baahiyay.
Waxa uu sheegay inuu hore u cadeeyay inuu tababare Alberto Salazar uu ka dalbaday jawaab “Sidii aan horeba u caddeeyey, Portland waxaan u tegay si aan wadahadal ula soo yeesho tababarayga Alberto Salazar oo aan ka dalbaday jawaab. Waxa uu ii xaqiijiyey in eedaymuhu ay been yihiin isla markaana uu caddaymo ii keeni doono si ay wax u caddaadaan”Mo Farah
Mo Fahar ayaa taageerayaashiisa,qoyskiisa iyo asxaabtiisaba uga mahadceliyay taageerada ay u hayaan “Waxaan doonayaa in aan fursadan uga faa’iidaysto inaan u mahad celiyo taageerayaashayda, qoyskayga, asxaabtayda iyo ciyaartoyga aanu isku kooxda nahay oo aan dhamaantood uga mahad celinayo taageeradii weynayd ee ay isiiyeen maalmihii ugu dambeeyey, waxaanan rajeynayaa in hadda la ii ogolaan doono in aan tababarkayga wato iyo in aan billado wadankayga ugu soo guulaysto”.Mo farah.
Todobaadkii ugu dambeeyay ayay warbaahinta reer galbeedka iyo kuwa ciyaaraha ka faaloodaa aad u hadal hayeen Orodyahan Mo Farah iyo tababarihiisa Alberto Salazar oo lagu eedaynayay inay isticmaalaan daroogada orodka kordhisa.








