Daawo Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Somaliland Imanaya, Kana Laabtay Mawqifka Soomaaliweyn

0

Hargeisa(AN)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre [Buubaa] oo kamid ah siyaasiyiinta dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda balse aaminsan wixii laysku odhan jiray Soomaaliya ayaa markii u horeysay shaaca ka qaaday in hadda wixii ka dembeeya uu aaminsan yahay qaddiyada gooni isu taagga Somaliland, kadib markii ay waxba kama jiraan noqotay fikradii uu inta badan u ololaynayay.

Ismaaciil Buubaa, waxa uu sheegay in uu dhawaan dalkiisa hooyo ee Somaliland ku guryo noqon doono isaga oo ka qayb qaadan doona ka midho dhalinta dawladnimada Somaliland oo uu carrabka ku adkeeyey inay tahay mid gaamurtay oo ku dayasho mudan.

Mr. Buubaa, waxa uu sidan ka sheegay Waraysi gaar ah oo uu Magaalada Dubai ee isu taga imaaraadka Carabta ku siiyey telefishanka Horn Cable. Waraysiga Ismaaciil Buubaa oo nuxurkiisu daarnaa isbedelka siyaasadeed ee ku yimi mawqifkiisii hore iyo xaqiiqada aan indhaha laga qarsan karin ee Somaliland ka jirta ayuu sunne wanaagsan oo Soomaali oo dhammi intifaacsan karto ku tilmaamay, waxaanu ku baaqay in hadda wixii ka dembeeya la iska ilaawo riyadii midnimada soomaalida, taas bedelkeedana haddii la danaynayo dhismaha qaran Soomaaliyeed oo taam noqdo ay marka hore shuruuda hortaalla tahay in la aqbalo dawladnimada Somaliland ka jirta.