Ciidamada Qaranka S/land oo ku ruqaansaday degaanka Tukaraq ee Gobolka Sool

0

Laascaanood(AN) – Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee gobolka Sool ayaa xalay ku ruqaansaday deegaanka Tukaraq oo dhawaan Maamul goboleedka Puntland uu keenay ciidamo dheeraad ah.
Ciidamada Qaranka ee ku ruqaansaday Tukaraq ayaa fadhiisin ka samaystay deegaanka Cadaadda oo wax aan badnayn u jirta Tukaraq, waxaana la sheegayaa dhaqdhaqaaq badan oo ay wadaan ciidamadu.
Ciidanka Somaliland oo hore u joogay deegaanka Gambadha ayaa Ruqaansaday xalay gelinkii dambe, ka dib markii sida la sheegay ay ciidamada Maamulka Puntland ku soo tuureen Madaafiic dhowr ah, waxaana wararka halkaasi ka imanayaa tibaaxayaan in ciidamadu u dageen duleedka Tukaraq inay ka jawaabaan daan-daansiga ciidamada Puntland.
Puntland ayaa doonaysa inay dagaal la gasho ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore, waxaana la wararku sheegayaan in qorshahoodu yahay inay isku dayaan inay dib u qabsadaan Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo ciidamada qaranku 8 sanadood ka hor xoog kaga saareen.
Ciidamada Qaranka ayaa xilliga ay ku ruqaansadeen deegaanka Tukaraq waxa jiidda hore ee gobolkaasi ku sugan taliyaha guud ee ciidamada Milletariga Somaliland, Sareeye Guuto Ismaaciil Shaqale.
Sidoo kale, Mareegaha Internet-ka ee gobolka Sool ayaa baahinaya in la arkayey gaadiid tiro badan oo qaarkood sahay u sidaan ciidamada Qaranka ee jiidda Tukaraq ku sugan.
Waxa kale oo la tilmaamay in ciidamada Puntland iyo kuwa Somaliland oo labada dhinac ka deggan Tukaraq ay suurto-gal tahay in xilli kasta uu dagaal ka dhex Qarxo, inkasta oo ciidamada Puntland aanay hor joogsan Karin kuwa Qaranka Somaliland.

Wararka dheeraadka ah ee la xidhiidha waxa Puntland ku dhiiri-geliyey inay xilligan dagaal abaabusho ayaa sheegaya inuu jiro gaadiid ciidan oo dawladda Imaaraadku dhawaan siisay Maamulka Jubba-land ee Soomaaliya qayb ka mid ah lagu wareejiyey Puntland.