Munich(AN)Kooxda reer Spain ee Barcelona FC ayaa habeenimadii Sabtida ku guuleysatey koobka Horyaalka Naadiyadda Yurub ee loo yaqaan Champions League, kadib markii ay 1-3 uga adkaatey kooxda Talyaaniga ee ka dhisan magalada Torino ee Juventus
Ciyaar aad u xiiso badan ayaa labada naadi ku soo bandhigeen garoonka Olympiastadion ee magaalada Berlin dalka Jarmalka.
Kooxda Juventus ayaa bilowgii hore car-car la soo baxdey, isla markaana muujisey hamuuna ay u qabto koobkan, inkasta oo isla markiina ciyaarta la wareegeen ciyaaryahanada Barcelona FC ee caanka ku ah kubad haysasho iyo isu dhiibid wanaagsan.
Daqiiqadii afaraad ee ciyaarta ayaa ciyaaryahanka khadka dhexe ee barcelona Ivan Rakitic u saxiixey goolkii u horeysey ee ciyaarta lagu furay kooxiisa Barcelona. Waxaana wareegii hore lagu kala nastey hal gool iyo waxba.
Qaybtii labaad ee ciyaarta ayaa kooxda Juventus ay dhalisey goolkii bar-bar-dhaca kaas oo u saxiixey Ciyaaryahanka Alvaro Morata daqiiqadii 55-aad, waxaana taasi si weyn niyada ugu dhistey ciyaaryahanada Juventus oo waxaa ciyaarta laga dareemaayey is-bedel.
Si kastaba ciyaar haysashada oo ay gacanta sare ku lahayd Barcelona FC ayaa weerar-yhankooda Luis Suarez u keeney goolkii labaad daqiiqadii 68 aad ee ciyaarta. Isbedelo uu sameeyey tababaraha JUventus ayaa noqdey kuwo aan miro dhalin, waxaana Barcelona xiratey daafac adag, iyaga oo weerar celin badan ku sigey goolka Juventus kuwaas oo uu badbaadiyey Khabiirka Juventus ee Buffon.
Iyada oo laga sugayo garsooruhu n uu yeeriyo seeriga dhamaadka ayaa Junior Neymar dhaliyey goolkii saddexaad, Waxaana goolkaas ka bilowdey damaashaadkii Barcelona.
Kooda Barcelona ayaa horey ugu soo guuleysatey labadii koob ee dalkooda, La liga iyo Copa del Rey waxaana kani noqonayaa koobkii saddeaad ee ay qaadaan 2014 -2015, sidoo kale waa markii shanaad ee ay noqdaan Horyaalka Naadiyada Qaaradda Yurub.
Kooxda Juventus ayaa hamuun u qabtey koobkan waxaana ugu danbeysey sanadkii 1996, waxaana ciyaarta Final-ka ugu danbeysey sanadkii 2003.








