SOMALILAND:Wasiirka Arimaha Dibada Oo La Kulmay Madaxwaynaha Koonfur Afrika iyo Shirkii dhaqaalaha Afirka.

0

Capetown(AN)-Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka qaybgalay shirkii lagaga hadlayay dhaqaalaha  qaaradda Afrika (World Economic Forum on Africa) oo muddo seddex maalmood ah ka socday magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, ayaa la kulmay Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Jacob Zuma oo dalkiisu martigeliyay shirkaas.

Bihi and Pesident

Wasiirka iyo Madaxweyne Jacob Zuma waxay si kooban u wadaageen hadal kadib markii Ajandaha lagaga hadlayay aragtiyaha ku aadan kaabayaasha Afrika ee mustaqbalka la soo xidhay.

Waxa kale oo Wasiirka Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ah JSL, Mudane Maxamed Biixi Yoonis ka qaybqaatay Ajandaha lagaga hadlayay nabadgelyada Afrika iyo Ajandeyaal kale oo dhammaantood khuseeyay arrimaha Afrika ee dhinacyada dhaqaalaha, caqabadaha ka jira xagga waxsosoaarka warshadaha, diyaarinta hoggaamiyayaasha waajahaya carqalabadda nabadgelyada mustaqbalka

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland dhinicisa wuxu aad uga hadlay heerarka sarreeya ee shaqo nabadgelyada ka jirta mujtamaca dhalinyarada ah ee qaarada Afrika  iyo fursadaha xadidan ee horumarinta  xirfadaha iyo shaqada  oo uu ku tilmaamay inay caqabad ku noqonayaan xasiloonida, waxanu soo jeediyay talooyin tiro badan oo dhibaatooyinkan xal u noqon kara  sida siyaasado  waafi ah oo dawladuhu ka yeeshaan xagga waxka qabashada sinnaan la’aanta, horumarinta waxbarashada xirfadaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dibadeed ee tooska ah

 

Waxa ka mid ah masuuliyiinta ay Wasiirka ka wada qaybqaateen doodaha kala duwan ee ajandayaashan sare masuuliyiin  xilal sare haya oo metelyay wadamada  South Afrika, Malawi, Canada,  Uganda, Uk iyo dhinacyo kale

 

Sidoo kale, Wasiirku wuxu waraysi faahfaahsan siiyay Warbaahinta Caalamiga ah ee CNBC kaasoo uu kaga hadlay  hadlay nabadgelyada Jamhuuriyadda Somaliland ku naaloonayso, sida ay hawlbawle ugu tahay nabadda iyo xasiloonida gobolka  iyo qaaradaba iyo weliba  iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee dalka  dhinacyada horumarka iyo siyaasadaba oo uu su’aale badan kaga jawaabaty