Daawo Madaxwayne Siilaanyo oo u kicitimayDalka Imaaradka Carabta

0

Hargeisa(AN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa u kicitimay maanta Imaaraadka carabta oo ay weftigu ka heleen martiqaad rasmi ah.

Safarkan madaxweyanaha oo qaadan doona dhawr maalmood waxa uu madaxweynuhu saxaafada xog ka siiyey ujeedada socdaalka isaga oo madaxweynuhu sheegay in ay ka wada hadlidoonaan inta ay ku sugan yihiin Imaaraadka sidii labada dal ay u sii xoojin lahaayeen xidhiidhka labada dal iyo wada shaqayntii walaaltinimo ee horeba ay u wada lahayeen.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu sheegay in ay ka wada hadlidoonaan mashaariic dhawra oo dani ugu jirto dalka iyo shacbiga Somalilandba.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk