Wasiiro Xukuumadda Ka Tirsan Oo Ka Warbixiyay Xaalada Bananka Qool-caday Iyo Gumburaha

0

Hargeisa(AN)-Wasiirada Degaanka iyo xanaanada Xoolaha Somaliland, ayaa socdaal ku tagay Bananka Qoolcaday iyo Gunburaha, halkaasi oo ay ku soo arkeen dad iskaga yimid degaanno kala duwan oo abaaruhu saameeyeen.

Masuuliyiinta ayaa indhahooda ku soo arkay xoolo dhaqato iskaga soo hayaamay degaanada Waqooyiga, galbeedka iyo gubanka, kuwaasi oo haatan degan Bannaanada masuuliyiintu soo martay. Dadkaasi ayaa degaannadan u soo daaq doontay kadib markii abaaruhu saameeyeen degaannadoodii.

 

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk