Adis ababa(AN)Waxaa albaabada loo soo xiray inta badan xarumaha codbixinta doorashada guud ee dalka Itoobiya, inkasta oo meelaha qaar ay maanta furanyihiin.
Wali waxaa socota tirinta codadkii la dhiibtay, gudiga doorashada ee dalkaasi ayaa sheegay in ay codkooda dhiibteen sideetan boqolkiiba dadkii horay isu diiwaangaliyay.
Malaayiin Itoobiyaan ah ayaa cododkooda ka dhiibtay doorashadan oo ah tii u horaysay ee guud tan iyo intii uu geeriyooday hogaamiyahoodii mudada dheer talada hayay ee Males Zenawi.
Wariyaha BBC-da uga soo waramaya magaalada Adhis Ababa waxa uu sheegay in dadku ay fiilooyin dhaadheer ugu jiraan goobo badan oo codka laga dhiibanayo.
Rai’sal wasaarihii Males, badalay Xaylemaryan Dhesaalayn, ayaa la filayaa in uu guul wayn gaaro.
Xisbigiisa EPRDF ayaa talada hayay tan iyo 1991, Laakiin mucaaradku waxa ay leeyihiin xoriyad la’aanta saxaafadda ayaa ka dhigan in aysan kolna doorashadu noqonaynin mid xalaal ah oo si xor ah u dhacda.
Bekele Nagaam, oo u sharaxan xisbiga ugu wayn mucaaradka ee Medrek, ayaa sheegay in goobaha qaar dadka lagu qasbay in ay dawladda u codeeyaan.
Gudiga doorashada ayaa sheegay in ay isdiiwaan galiyeen ku dhawaad 3 milyan. Wariyaha BBC-da Cabdirisaq Xaaji Catoosh oo ku waabariistay Magalaada Qabridahar oo ku taala xudunta deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay dadku u kalaheen goobaha codadka laga dhiibanayo, inkasta oo uu jiray dib u dhac ku yimid goobahas








