HADALADII 18 MAY IYO QUDBADAN AAD U JECLEYSTAY..XIKMADDA AXMED CARWO.

0
Si kasta oo loo hadlo iyo goob kasta oo laga hadlo waxa jira ereyo qofka laabtiisa ku soo dhaca oo maskaxduna gunudo, inta badani si waa iska hadal oo waa maqal siina daa. Haddaba waxaan wax badan la socday sida muwaadin kasta xafladaha 18ka May sanad walba, iyo dhacdooyinka dalka mar walba.
Waxaan hadaba i soo jiidatay xafladii Bristol ee dalka UK ka dhacday iyo hadalo nin qiimo badan, aqoon yahan ah oo beryahanba dan guud warbaahinta inoogu soo gudbinaayey talooyin wax ku ool ah oo u baahan inaynu ka fakirno oo aynu ka hawl galno. Waa nin wajigiisa wanaag oo dhammi ka muuqdo, nin Alle ka cabsi badan, dalkiisa jecel oo xukuumadda daacad u ah oon guulwadeyn, ninka daacadda ihi waa ninka isagoo xukuumadda daafacaaya si asturana u tilmaama halka wax ka qaldan yihiin, kan guulwadeeya ee beenta cad ummadda u sheegaa daacad uma aha xukuumadda ee wuu lugooynayaa oo ceebteeda ayuu banaanka soo dhigayaa.
Intaas haddaan timaamay intiina badani weydun ila garateen ninka aan u jeedo. Waa aftahan, qoraal iyo qoolba aad si xiiso leh ula socotaan, waa aqoon yahan Axmed Xasan Carwo. Weli gaar umaan arag haddana aqoontiisa waxba igaama dhimna. Waa nin aan Madaxweyne Siilanyo abaalkiis marin, waana nin edeb iyo dhowrsanaan dartii ula jooga kolka raggii kale ka dhaqaajiyeen. Maanta anigu waxaan ahay mucaarid oo Kulmiye waxaan uga baxay kolkaab arkay raggii guusha dhaliyey ee waliba aqoonta lahaa ee bulshadu u baahnayd in la dhaafiyey dad aan maqaamkooda gaadheyn. Waa kolkay jaanigu lugta dhaafay.
Haddaba hadalka aan ka guntay Axmed Carwo waxuu ahaa…Duco aan lagaa aqbalayn ayaa jirta sida nidaamka aynu qaadanay iyo midnimo.Dimuquraadiyada iyo habka xusbiyada badan ayeynu qaadanay taasi waxay tahay mid asalkeedu yahay khilaaf siyaasi oo joogta ah, afkaar kala duwan iyo loolan..waa se inaan khilaafku xadka….
 dastoorka dhaafin… Daawadu waxa weeyi in muxaafidka maantu u diyaar garoobi inuu berrito mucaarid noqon karo, mucaaridkuna muxaafid noqon karo, oo midl walba taas isagoo laabta ku haya ku jiq siida la dhaafo…
Waa murti si dhab u taabanaysa halka sarto ka qudhuntay oo ah in muxaafidkuna isu diyaariyo mucaarid, mucaaridkuna muxaafid oo mid waliba dhowr shuruucda dalka.
Talooyinkiisa You Tube ku jirta waxa iyana ka buuxo hadalo murti ah..waxaan halkan ku sheegi mid aan maskaxda dhigaty…Illaahay adoo qof ah ayuu waajibaad ku saaray, sharciga dalkuna waxuu waajib ku saaray adoo qof ah, adoo qof ahna xuquuq ayaad leedahay, meelna qabiil kagama jiro….
 Soomaliland ha garato raggeed iyo aqoon yahankeeda dunta waca. Axmed Carwona waxaan odhan lahaa ha ka daalin hanuuninta Abaalka aad ka weyday Madaxweyne Siilaanyo waxaad ka heli dadweynha iyo inta wanaagga jecel. Wallee Madaxweyne Siilaanyo isagaa ku dhib qaba kaalinta aad kala maqantay.
Illaahay caafimaad, cimri dheer iyo nolol guul badan ha ku siiyo.
Ali Jama
xeedho@ymail.com