Golaha Wakiilada Oo Laalay Mooshinka Maayiradda Iyo Mooshin Kale Oo La Horkeenay.

0

Hargaysa(AN)-Golaha wakiilada Somaliland ayaa fadhigoodii manta oo uu shir guddoomineyay guddoomiyaha golaha Cabdiraxmaan Ciro ayaa cod ku laalay mooshin sahlayay in maayirada dalka xilkooda laga qaadi karo cod dheeri ah oo sahlan.

Fadhigan ayaa cod loo qaaday in xeerka gabi ahaanba la laalo iyo in la ansixiyo,waxana in la laalo u codeeyay 25 xildhibaan halkan 21xildhibaanna u codeeyeen in la ansixiyo,todoba xildhibaan ayaa ka aamusay.

Waxa aanay laalida mooshinkaasi sahlaysaa inaan maayirada golaha deegaanka sidoodii hore xilka looga qaadi karo.

Dhinaca kalen fadhigaa manta ee xildhibanada golaha wakillada Somaliland ayaa maanta golaha keenay mooshin ka dhan ah isticmaalka lacagta doollarka ah.

 

Mooshinkan oo ay ku saxeexan yihiin 22mudane ayaa waxa ujeedadiisu tahay in lacag dollar ah aan lagu dhex isticmalin gudaha Somaliland.

Waxaana uu mooshinkani sheegaya in dhamaanba Xawalaadaha ,Ganacsatada , Shirkadaha bixiya adeega lacag dirista Mobileda Telesom iyo Somtel Iyo dhamaanba cidii ay khuseyso arintani ay isticmaalaan lacagta shilinka Somaliland isla markaana ay joojiyaan isticmaalka lacagta qalaad oo uu ugu horeeyo Dollarku .

Xildhibaannada soo gudbiyay mooshinka ayaa ku sababeeyay in uu isticmaalka dollarku sababay sixir bararka shilinka Somalilad iyo umaddaba saameeyay.