Jabouti(AN)-Dawladda Jabuuti ayaa habacsanaan lagu eedeeyay hanaankeeda kala hagista Diyaaraddaha, sida lagu sheegay Warbixin laga soo xigtay Militariga Maraykanka ee halkaasi Saldhiga Ku leh. Warbixinta ayaa sheegaysa in feejignaan la’aanta Ilaalada Madaarku halis galinayso Duulimaadyada.
Warbixinta oo ay daabacday jariidadda Washington Post ee carriga Maraykanka, ayaa soo xiganaysa dokumentiyo milatariga ay qoreen iyo khubaro dhinaca duulista hawada ah, waxayna sheegtay in shaqaalaha hagista diyaaradaha ee saldhigga milatariga Camp Lemonnier ee Jabuuti inay ka gaabiyeen hagista diyaaradaha iyagoo ku mashquulsan ciyaaraha Muuqaalka ah ee lagu madadaasho, telefoonno, hurdo ama qaarkood oo qayilaad ku jira.
Washington Post waxay sheegtay in xaaladdani ay abuurtay qaylo-dhaan ay sameeyaan duuliyayaasha marka ay hawada galaan iyo xataa inta aanay duulinba. Waxay sheegeen in Shaqaalaha kala hagista Diyaaradduhu iska dhago tireen talooyin ay soo jeediyeen la taliyeyaal oo ku aadan in shaqaaluhu wanaajiyo shaqadooda amniga diyaaraddaha
Warbixinta ayaa lagu sheegay in sannadkii 2013-ka diyaarad sidday madaxweynaha Jabuuti ay ku sigatay inay ku dhacdo diyaarad ay leedahay shirkadda Kenya Airways.
Sarkaal u hadlay safaaradda Jabuuti ee Washington ayaa warbixintan ku gacansaydhay, isaga oo sheegay in garoonku yahay amni, waxaana uu sheegay in haddii shaqaalaha haga diyaaradaha ay hurdaan ama qaad cunaan uu maalin walba shil dhici lahaa,balse aanay jirin shil diyaaradeed oo Jabuuti ka dhacay tan iyo markii ay xorriyadda qaadatay.
Arabsiyonews.com








