Salaadiinta,Caaqilada Iyo Waxgaradka Beesha Subeer Awal Oo Tageeray Mudo Kordhin Xukuumada Loo Sameeyo.

0

Hargaysa(AN)Salaadiinta Caaqilada ugaasyada iyo Wax Garadka Beesha Subeer Awal Ayaa tageeray maanta mudo kordhin Xukuumada loosameeyo oo ay ku macneyeen Mid ay xukuumadu u qalanto.

Shirjaraa’id oo ay saaka ku qabteen Magaalada hargaysa ayaa waxa ku shegeen in Axsaabta Mucaaradka somaliland yihiin Qaar ka soo horjeeda horumarka ay gaadhay Xukuumadu Kulmiye,Madasha wadatiga Waxa ay ku tilmaameen Mid aan sharci ahayn.sulda

golaha guurtida somaliland ee uu hogaaminayo guddoomiye saleebaan maxamuud aadan waxa ay ku sifeyeen mid xaq u leh Mudo kordhin ay u samayso xukuumada markii la sheegay inaanay doorashadu wakhtigeedii ku qabsoomayn,Xukuumada kulmiyena waxa ay tahay mid waxqabad ku dheehan.

justify;”> Shirka Oo ay u dhamaayeen labeentii subeer awal ayaa waxa ay shacabka somaliland xaal kasiiyeen Salaadiin uu horkacayo suldaanka guud ee subeer awal oo xukuumada iyo Golaha guurtida duray.

“Caaqil iyo Suldaan Midna waxba Mayeelayo Qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland,Nimanka Guurtida waxaan Qalooc u Arkaa Nimanka Dhaleecaynta ula Taagan iyaga oon waxba Galabsan Afkoodana Hadal Laga Maqlin waxaan u arkaa Fadeexad Aan qaban,waxaan leeyahay Saddex waa laga Ducaystaa Suldaan Siyaasad Looga Taag waayay waa laga ducaystaa Markaas Intaas hadaynaan ka Ducaysan Dhib kale Majirto,Haday Guurtideena iyo Komiishanka haday wax inoo kordhiyaana waa wax jeeb keena Ah oo inaga ayaa iska leh.ayuu yidhi Caaqil Aadan Cabdilaahi

intaas waxa uu ku daray Caaqil Aadan Cabdilaahi isaga oo hadalkiisa siiwata.”Caalamku sidaanu ku tashanay Raali haku Ahaado,Kani kii cid loogu jawaabayo Maaha waa shirkii subeer awal oo lagaga hadlayo xaalada dalka lagu eegayana talooyina la iswaydiinayo,Raga halkan fadhiyaana way garanayaan siday ku timid dawlad nimada somaliland,dalkana wuu taabo qaaday oo cidna Danihiisa shaqsi Ah cidna uma daba Fadhiisan Doono.

Caaqil Axmed Faarax Diiriye ayaa sheegay in Qaranimada iyo Jiritaanka somaliland tahay lama taabtaan Muqadas Ah waxaana uu yidhi.

“Haday Guurti Tahay inaga ayaa samaysanay,Nabada Haday tahay anaga ayaa keenay waxaana ay dhamaan inoon yihiin Lama taabtaan,dawladuna meel kale kamay iman waa tii Aanu u soo dhimanay,Maantana Qofkii Doonaya inuu si dhib yar u wax yeleeyo Kayeeli mayno qofkaasna waxaan qabaa inuu yahay cadaga ina dhex fadhiya uune,dalka waxa aynu u dhiibanay Rag Caynaanka haya waxaan loo baahan yahay in aynu ku daba fadhiisano ragaas.

Caaqil Aw Daahir waxa uu cadeeyay in Beesh subeer awl tageersan tahay mudo kordhin loo sameeyo Xukuumada,halkan ay ku fadhiyaa Sida uu bayaamiyay Labeentii Beeshaas oo tageero Mugleh la garab taagan xukuumada talada dalka haysa.

Suldaan Xuseen ismaaciil Geele ayaa waxa uu madaxwaynaha somaliland ku tilmaamay mid mudan in Mudo kordhin loo sameeyo caqli iyo Aqoona ka hagi kara dalka somaliland gaadhsiin karana haykal ay caalamku Aqoonsi Buuxa Siiyaan.

“Madaxwayne siilaanyo xilka uu hayo cidna kama eryi karto nina hadal kagama kaxayn karo inta uu haynayo wuu haynayaa caqli iyo Garasho wuu leeyahay maanta mudo kordhinta waa loo samaynayaa sidii loogu samayn jiray Dawladihii tanba ka horeeyay,Dalkan iyo dadka waxa uu gaadhsiiyay himilo wanaagsan mucaaradna dalkan waxba uma tarayo iyo madal Aan sharci Ahayn,Siilaanyo kacdoon shacab ayaa lagu doortay maanta codkaas ayaa lagaga qaadi karaa Lakiin nina Qaylo iyo caytoona kuma kasban karo shacabka somaliland waxaan leeyahay shacaboo nin Aan kuu furi Doonin Yaanu kuu rarin.

Suldaan Jaamac Cismaan ayaa tilmaamay guulaha Ay gaadhay Xukuumada sheegayna in ay kasbatay wixii lagu dooran lahaa shacabka somaliland u muujisa waxqabad Aanay Arkayn indhaha Xaka Waxqabadka ka buka sida uu sheegay waxaana uu yidhi.

“Mucaaridka waxaan leeyahay mucaaradku wax ayuu dhisaa ee isagu wax madumiyo,waxaad ku dadashaan sidaad waxqabadka dalka ka socda wax uga qaban lahaydeen,Mudo kordhin Haday noqoto cid ayaanu u diranay cidaas ayaa dhamayn Doonta Golaha Guurtidu waa kuwa aynu ku baxsano Maalinta ay gaadho Xumaanta ee loo baahan yahay in laqadariyo,Dal waliba waxa uu leeyahay gas Danbeed inaga guurtida ayaa inoo gaws danbeed Ah Waxa ay soo jeediyaan Ayaynu qaadan Doonaan.

Suldaan Cismaan Suldaan ibraahin,Suldaan Cali Saleebaan iyo Ugaas Cabdilaahi Xawareeye ayaa iyaguna si iskumid Ah u tageeray Xukuumada Maanta talada dalka haysa,Guurtidana u Soo jeediyeen in Ay go’aan ka gadhaan Xaalada dalka Marka Ay qimeeyaan Iyaga oon Cidna garab saaray.

Suldaano iyo ugaasyo sidoo kale Madasha hadal ka jeediyay waxa ay shegeen in Ay beeshooda Subeer awal tegeero midaysan lagarab taagan tahay xukuumada iyo xisbiga kulmiye iyagu cod ku soo saareen maanta la garab taagan yihiin,madashana waxa ay ku tilmameen Mid Aan sharciga iyo dastuurka dalka meelna kaga oolin,Axsaabta Mucaaradkana waxa ay ku macneyeen Qaar ka soo horjeeda horumarka somaliland.

Dhinaca kale Salaadiin Kale oo iyaguna madasha hadalo kooban ka soo jeediyay ayaa waxa ay shegeen in ay Waafaqsan yihiin Xukuumada iyo Xisbiga kulmiye Hadalkana lawadagaan Salaadiintii ka horeeyay.

Gaba-gabadii Madashan oo lagu tageerayo mudo kordhi Xukuumada loo Sameeyo Kana soo qayb galeen Labeentii iyo Salaadiintii sacad muuse ayaa go’aan lagu gaadhay in Xukuumadan Maanta talada dalka haysaa tahay Xukuumada waxqabadka shacabkuna tageersan yihiin.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk