“Lixdii Bilood Ee Dambe Way Muuqatay Dib U dhaca Doorashadu”Saylici

0

Hargaysa(AN)-Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Saylici ayaa sheegay inay lixdii bilood ee ugu dambeeyay muuqatay inay doorashadu dib u dhacayso ,waxaanu sheegay in guddiga doorashooyinku dadaaleen “annigu waan ka soo maqnaa,haddana laakiin way muuqatay in lixdii bilood ee u dambaysay doorashadu dib u dhacaysay,guddiga doorashooyinku way ku mahadsanyihiin markay qiyaaseen mudadii diwaangalinta codbixinyayaasha oo ah ta kaliya ee doorashada qurxinaysa,waana fikrad aad u wanaagsan”ayuu yidhi Madaxwayne ku xigeenka Somaliland oo waraysi siiyay Mareegta Qurbejoog

Madaxwayne ku xigeenka ayaa sheegay in wixii imika ka dambeeyay umadda Somaliland tashanayan“Waxba innaga xumaan maayaan ,waana laga tashanayaa oo sidaasi ayaynu hareeraha uga joogaynaa haddii umadda reer Somaliland nahay “Madaxwayne ku xigeen Saylici.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland waxa uu sheegay inaanay eeda dib u dhaca lahayn xukuumada iyo mucaaridka Somaliland midna“mar haddii dib u dhacay waa qadar,walaa mucaarid ayaan ku eedayn walaa xukuumad ,waxa wanaagsan in laga hadlo waxa meesha yaalla,wax dhamaaday in laga hadlaa waxba ma soo kordhinayo”Madaxwayne ku xigeenka.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk