“Waxaa La Ii Dhaariyey In Aan Ummada Cadaalada Ugu Garsooro Iyada Oo Aanan Anigu Cadaalad Ka Helin Hayadii I Magacawday”….midkamida Garsoorayaasha

0

Garsoorayaal Ka Hadlay Caqabadaha Horyaala Cida Loo Magacaabo Gudomiyaha Maxkamada Sare Iyo Cadaalad Daro Ay La Cabudhsanaayeen Oo Ay Badka Keeneen. “Waxaa La Ii Dhaariyey In Aan Ummada Cadaalada Ugu Garsooro Iyada Oo Aanan Anigu Cadaalad Ka Helin Hayadii I Magacawday”….midkamida Garsoorayaasha
Hargaysa: (QodaalNews) …Garsoore Imika La Maga Caabay Maxkamadii Uu Ka Hawl Galayey Isgu Ma Samaysan Karaa? Shaanbadii Maxkamada Ma Samaysan Karaa?Xabsigii,Saldhigii Iyo Ciidankii Ma Samaysan Karaa? Mushar La’aanse Maka Shaqayn Karaa Meel Aanu Waligii Arag? Kuwani Waxay Kamid Yihiin Su’aalaha Jawaabtoodu U taalo Gudoomiyaha Cusub Ee La Sugayo Magacaabistiisa.waaxaa 21/3/2015 Gudida Cadaaladu Magacawday 24 Garsoore oo Loo Tababaray loona dhaariyey In ay Ummada u Garsooraan. Qaar kamida Garsoorayaashan oo aanu xogo ka Helnay ayaa waxay ugu horay u mahd naqeen Maadax wanaha JSL mud:Axmed Maxamed Maxamuud Siiraanyo Iyo Golayaasha barlamanka iyaga oo ku hambalyeeyay Eriga Gudoomiyihii Maxkamada Sare. Warbixinta Garsoorayaashan oo u dhignayd Qaab Cabasho oo ay u gudbinayaan Madaxweynaha iyo Cida la filayo in uu U soo magacaabo Gudoomiyaha Maxkamada Sare. Ayaa waxay u dhignay sedan:- 13 biloo ka hor ayaa Gudida Cadaaladu Waxay noo ansixisay in aanu noqono Garsoorayaal iyo Diiwaan Hayayaal Kadib Markii aanu si Cadaalada ugu soo Gudubnay Imtixaan Lagu qaaday Hayada Shaqaalaha oo aya soo diyaariyeen Gudidaasi. Waxaana la noo bilaabay Tababar Shaqo oo labada galinba la dhiganayey bishiibana la dhiganayey ugu yaraan shan kooras oo bilkasta imtixaan lanaga qaadayey. Wakhtigaas oo aad u adkaa,waayihiisa watay,Duruufaha Nagu xeerana ay noo Dheerayd Mushar la’aan.ayaa waxaanu waxaas oo Dedaal iyo juhdiya ku ilaawijirnay, iskuna Maaweelin jirnay.inyarbaa ka hadhee Hinjiyaay.Garsoorayaashan oo hadlka sii wata ayaa waxay yidhaahdeen. “Qalinjabintayadii kadib Sadex Bilood ayey nagu qaadatay in aanu la kulano Gudoomiyaha Xilka laga qaaday si uu noo horgeeyo Gudida Cadaalada oo Awood Sharci u leh Hawl galinta Garsoorayaasha iyo Ku xigeenada xeerilaaliyaha Guud,dhaartii lana dhaariyey kadib waxaa bilaydh lagusoo qaaday Waraaqo Duuduuban oo layidhi Waa bakhtiyaa-nasiib.15 garsoore waxay qaateen waraaqihii (bakhtiyaanasiib) waxaana uga soo baxay Degmooyin iyo Tuulooyin oo aanay ka jirin Maxkamad Shaqaysa,Saldhig Bilays,Xabsi,Kaliyeyaal,Shaanbad Maxkamadeed Oo aan Nidaam Garsoor midna hore uga Abuurnayn .waxay noqoday arintani mid Afkalaqaad ah waayo Gudoomiyuhu Si Qorshe la’aan ah ayuu uga Badheedhay In uu meelo aan jirin nayidhaa ushaqa taga.Gudida Cadaaladu waxaad moodaysay in ay Af-duubnaayeen,waayo maranaba kama ay jawaabin Doodii Cabasho iyo hanjabaadii Gudoomiyuhu kaga jawaabayey.dood dheer kadib waxa uu Gudoomiyuhu Hadalkii ku soo ururiyey “Bisha afaraad ayuu Musharku idiin bilaabmi doonaa intii horena iska ilooba kii aan sidaas ku shaqaynayna imika ha is casilo” Anfariirkayagii, Aamusnaantii Gudida iyo Aftaagii Gudoomiyaha ayaa lagu kala dareeray. Waxaanay intaa ku dareen garsoorayaashu in guud ahaanba Meel lagaga dhacay ……lasoco