Hargeysa(AN)-Maayirka Caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa ka hadlay xidhiihdka ka dhexeeya Somaliland iyo Somaliya,waxaanu tilmaamay sidii wakhtigii Xamar dagaaladu ka socdeen iyo sidii ay u soo dhawayn jireen dadka reer Hargaysa.
dhinaca kale Maayirka Caasimada Hargaysa waxa uu ka hadlay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya ee dhawaan ku burburey dalka Turkiga ,waxaanu ku eedeeyay cidda hortaagan inuu yahay Madaxwaynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud.
Maayirka Caasimada Hargaysa ayaa dardaaran u jeediyay ummadda Somaliland waxaanu ku dhiiriyay inay wax wada qabsi iyo inay dalkoodii dhistaan u dadaalaan.
Maayirka Caasimada Hargaysa oo ka waramay wixii uu ku arkay magaalooyinka dalka SWEDEN iyo dadkii tahriibay oo waddooyinka fadhiya isla markaan uu sheegay inaanay waxbarasho tagin.
Halkan Ka Daawo
Arabsiyonews.com
Hargaysa Desk








