Ganacsade Cali Carab Obsiiyo oo ka hirgaliyey riig ceel biyood Degmada Arabsiyo.

0

Arabsiyo(AN)Ganacsade Cali carab oo kamida Ganacsatada Dagmada Arabsiyo ayaa ka hirgaliyay Beertiisoo ku taala magaalada dhexdeeda,Xili ay Magaalada Arabsiyina Ay biyo laada’ay

Ceelkan Riiga ah ayaa noqonaya taariikhda arabsiyo kii ugu Horeeyay ee biyo Sidan umacaan laga helo Dadwaynaha ku dhaqan Dagmada Arabsiyood oo dhawaanahanba udhagtaagayay ceelkan ayaa Kusoo dhaweeyay Gacmo Furan,iyagoo ku rajo wayn inuu ceelkani wada kaafiyi karo Beerta iyo Magaaladaba,Sobabtoo ah waxa ay

riig

dadwaynaha Reer Arabsiyood khaati kajoogaan Gaadhi dameer ilaa sidii Dalka loosoo galay udhaamiya.iyadoo Labadan bilood ee lasoo dhaafay ay ka Quusteen gaadhi dameerkiina,magaaladan Arabsiyo oo ah Magaalooyinka Ugu biyaha Badan Soomaaliland ayaanay Magaaladan Arabsiyo marna Nasiib uhelin inay dadwaynaheedu Labada gacmood ku maydhaa,dhanka kale waxa jira Ceel riiga oo ay hayada Islaamic Releaf uqoday dagmadan Arabsiyo Mudo ku Siman Laba sanadood,iyadoo kaqoday Meel ujirta 5kiiloo mitir Magaalada Arabsiyo iyagoo balan qaaday inay soo galinayso Magaalada Arabsiyo.Dhawrgoor walise aanay waxba ka fulin Arinkooda taasoo ay rajadii inay Marlabaad labada gacmood ku maydhaan ay soo dhawaysay,markii Galabta uu ku Guulaystay GanacsadeCali Carab inuu marlabaad rajo aad uwanaagsan kusoo celiayay dadwaynihii ku dhaqnaa Dagmadan Arabsiyo.Guntii iyo gabagabadii waxay tani Meeshay kasaartay inay bulshada Reer Arabsiyood ka maarmi karaan Gacan kale iyo wasaaradii Uxilsaarnayd qarankan inay biyo uraadiso taasoo la odhan karo way ka gaabisay shaqadii ay lahayd.

Muuse Xuseen xasan

Arabsiyo Office