Dalka Iran oo soo dhaweeyey duqaymaha cirka ee dawlada Sucuudigu Joojisay

0

Riyaad(AN)Dalka Iran ayaa ku tilmaamay go’aanka Sacuudiga uu ku joojiyay duqeymaha ka dhanka ah xuutiyiinta Yemen in ay tahay hormaar wanagsaan.

Wasiirka arrimaha Dibedda ee Iran Maxammed Javad Zarif ayaa ku baaqay in wadahadaala deg-deg ah la furo, gargaar bini’aadanimana la gaadhsiiyo dalka Yemen.

Isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ayaa xalay sheegay inay joojiyeen duqaymihii Xuutiyiinta Yemen lagu hayay oo socday muddo ku siman bil. Waxay sheegeen in looga dan leeyahay badbaadinta Shacabka,iyadoo laga ilaalin doono Argagixisada.

Afhayeen u hadlay xulafada Sacuudiga uu hogaminayo ayaa sheegay in ay diiradda saari donaan siidi loo heli lahaa xal siyaasadeed oo dhibaatada ka jirta Yemen lagu soo afjaro, balse waxa uu sheegay in meesha aan laga saari doonin in xoog milatari la adeegsado haddii loo baahdo.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk