Muqdisho(AN)Qarax xooggan ayaa gilglilay Hotel ku yaala badhtamaha Muqdisho. Wararka hor dhaca ah ayaa sheegaya in ugu yaraan 10 qof ku dhimatay weerarka, halka tiro intaas ka badan oo kale ku dhaawacantay.
Weerarka lagu qaaday Hotelka Bonoodo, oo ku dhaw Hotel Central oo bishii February qarax lala beegsaday, ayaa loo adeegsaday Gaadhi waxyaabaha qarxa lagu soo rakibay. lama oga in gaadhigu meesha sii yaalay iyo inuu ahaa mid lagu weeraray, balse gaadhiga ayaa ku qarxay afaafka Meheradan oo mashquul badan.

Qaraxan oo ahaa mid xooggan ayaan la ogeyn dhimashada iyo dhaawaca rasmiga ah ee ka dhashay, iyadoo goobta uu qaraxu ka dhacay lagu arkayo dhiig badan oo daadsa, iyadoo ay halkaas gaareen ciidammo fara badan oo kuwa dowladda Somalia ka tirsan.
Wali ma jirto cid sheegatay weerarka Hotelka, balse weerarada noocan ah ayaa inta badan waxaa fulisa kooxda Al-shabaab.
Weerarka Bishii February lagu qaaday Hotel Central waxaa ku dhintay 25 qof oo ay ku jiraan mudaneyaal Baarlamaan.
Arabsiyonews.com
Muqdisho Office








