Taliyaha laanta socdaalka S/land oo beeniyey in uu fadhiistay Mashiinkii Passbortka S/land

0

Hargeysa(AN):- Taliyaha Ciidamada Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf Oo Maanta Qaar Ka Mid Ah Warbaahinta Kula Hadley Maagalada Hargeysa Ayaa Waxaa Uu Ka Hadlay Warar Ay Dhawaan Qoreen Qaar Ka Mid Ah Warbaahintu Oo Sheegayey Inuu Fadhiistay Serverkii Soo Saari Jirey Passporka Somaliland.

Maxamed Yuusuf Taliyaha Ciidamda Laanta Socadalka Somaliland Waxaa UU Sheegay In Uu Serverku Shaqeynaayo Isla Markaana Bixinta Passaboorku Ay Sidedeedi U Socoto Waxana Uu Yidhi “Runtii Warbaahinta Aanu Aadka Isku Dhow Nahay Qaar Ka Mid Ahi Hadii Ay Qalad Qoreen Koley Lama Yaabeyno Lakiin Waxaa Weeye Wax Marxawad La,Aan U Gubtey Ma Jiro Aduunkana Ma Jirto Wax Marxawad La,Aan U Fadhiista Serverka Soo Saarka Passaporka
Somaliland Ilaalintiisa Iyo Dareyeelkiisuna Waa Wax Ka Badan Marxad Wax U Gubta

Serverku Waa Uu Shaqeynayaa Dadku Wey Qaadanayaa Passaporka Waana Ay Soo Baxeen Waxaana Ay Aheyd Farsamo Gacmeed La Doonayey In Lagu Mideeyo Diwaan Galinta Muwaadinka Si Loo Ogaado Xogta Qofka Muwaadinka Ah Ee Halkaas Iska Diwaan Galiyey Iyo Ka Halkan La Iska Diwaan Galiya Isku Midna U Noqdaan Waana Ay Iska Iman Kartaa Cilad Farsamo Marka Wax La Sameynaayo Wax Inaga Xumina Ma Jiraan Waana Ilahay Mahadii “ Ayuu Yidhi Taliyaha Ciidamda Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Yuusuf Canbaro .

 

Arabiyonews.com

Hargaysa Desk