Dr Khadar Maxamed Faahiye Oo Shaaciyay Inuu Yahay Musharax Golaha Wakiilada Uga Soo Tartami Doono Deegaanada Salal Iyo Awdal

0

Hargaysa(AN)Dr khadar Maxamed Faahiye ayaa Shaaciyay inuu yahay musharax u tartamay Xildhibaanimada Golaha wakiilada somaliland,khadar ayaa waxa uu ka soo tartami doonaa deegaanada galbeeda siiba gobolada salal iyo awdal,waxaana uu bulshada ku dhaqan deegaan kaasi u soo jeediyay in Ay cod midaysan la garab istagaan.

Musharaxu waxa uu cadeeyay in deegaanada uu ka soo jeedo wax badan u qaban Doono Hadii Codkooda Si hagar La’aan Ah u siiyaan,Faah-faahina waxa uu ka bixiyay haduu ku guulaysto Xildhibaanimada waxa uu qaba Doono.

Dhinaca kale waxa uu ka maro kacay inuu dantiisa ka horaysiin Doono danta deegaanka uu matalo,wax Qabada baahsan ka samayn Doon,isago cadeeyay inuu iyagana
u ga fadhiyo Cod midaysan bulshada uu matali doono ee Deegaanka Galbeeda Somaliland.

“Maanta halkan waxaan ku shaacinayaa inaan ahay musharax u taagan Golaha wakiilada somaliland Marka ay gaadho wakhtiga doorashada,waxaanan ka sharaxanay deegaanada gobolka Salal iyo awdal,runtiina waynu kawada dharag sanay hawsha ay shacabka u qabtaan Golaha wakiiladu,waana mid ka mid ah saddexda haay’adood ee uu dalkan somaliland ka kooban yahay,Majecli qabyaalada iyo ku dhaqankeeda lakiin Nidaamka aynu qaadanay ayaa ah nidaamka Axsaabta badan Ee Dumuq-raadiga Ah,kaas oo mansab-yada iyo Beelaha isku jaan goynaya.

Intaas waxa uu ku daray Dr Khadar Maxamed Faahiye isaga oo hadalkiisa siiwata.”Runtii marka ay timaado doorashada golaha wakiilada waxaad moodaa in ay Cod bixiyayaashu Hab-Qabyaaladeed Codkooda u dhiibtaan iyaga oo siinaya Xildhibaanka ka soo jeeda Deegaan Kooda,beel Ahaan waxaan ka sharaxanay Beesha Bahabar Celi ee Deegaankoodu yahay Oogo ilaa xeeb,kana sii mid Ah beelaha Maxamed Case ee Gobolka Awdal iyo Salal.

Musharax khadar Maxamed Faahiye waxa uu Deegaanada uu ka soo jeedo u soo jeediyay in ay Codkooda ku mideyeen isaga oo balan Qaaday inuu wax badan u qaban Doono Deegaanka uu ka soo jeedo,waxaana uu rajo wacan ka muujiyay inuu U qalmo Xilka Golaha wakiilada somaliland.

“waxaanan idinka rajaynayaa inaad codkiina ilaa oogo ilaa xeeb si hagar la’aan Ah ii siisaan,Somaliduna waxa ay tidhaa abaal dadku way wada galaan lakiin inta Guda Ayaa iska Kooban,waxaanan rabaa inaan idiinku adeego sida masuul kasta oo xil hayaa u adeego si kasii wacan ayuu ku talo galkaygu yahay.

waxa uu ku dheeraaday.”Caadna igama saarna fahanka masuuliyada qaranka,Qorshahaygu waxa uu yaha inaan Horseed ka Noqdo Qorshayaal Horumarineed oon u samayn Doono Beesha Aan ka soo jeedo,kaas oo horseedi Doono is badal togan oo uu ku dheehan yahay horumar iyo barwaaqo.

dhinaca kale waxa uu hordhigay musharax bulshada uu ka soo jeedo codkana ka doonayo inaanu dantiisa ku gaadhi dooni,Balse sida uu cadeeyayna dantiisa ka horaysiin Doon Danta beesha uu codkooda ku joogo madasha.

“Danta Aan anigu leeyahay waxaan ka horaysiin Doonaa Dantiina,moobilkaygu wuu xidhan yahay,macaa lama helo karo manaqon karo,anigu beesha i dooratay Ayaan ka mid Ahay idina anaad iga mid tihiin,ka buka iyo ka faraxsan labadab halkooda Ayaan ku bookhan doonaa,kii muraad iyo arin leh runtii albaab kasta waan u garaaci doonaa,kamana Caajisi Doono ilaa uu dantiisa gaadho,Tani runtii igama Ah af Gobaadsi Lakiin Runtii Siday wax yihiin ayaa u rabaa ileen xilkan idinkaan idiin Hayaaye.

Dr khadar Maxamed Faahiye waa dhakhtar ku takhakhusay Xanuunka Xoolaha,waxaana uu macalin ka ahaan jiray Jaamacadda Hargaysa,Halka uu sidoo kalena Macalin ka soo noqday jaamacadda Burco isaga haatan Ah Khabiir Dhinac Xoolaha,waxaana uu sheegay inuu hanan karo Xilka Xildhibaanimo ee golaha wakiilada madaama oo uu yahay Sida uu sheegay Aqoon yahay.

Dr Khadar ayaa cadeeyay in Cod uga fadhiyo Deegaanada uu ka soo jeedo,doorashada hadii uu ku soo baxana ku rajo wayn yahay inuu celiyo Abaalka ay u galeen Deegaanka uu ka soo jeedo.

 

 

 

Arabsiyonews.com

Cumar  Maxamed Cabdi

Hargaysa Office