Qaahira(AS)Warbixin cusub oo la soo saaray ayaa iftiimisay in lacago deeqbixiyeyaashu u balanqaadeen dib u dhiska Qaza la bixiyay 26.8% oo u dhiganta $945m, halka balanqaadku ahaa saddex dhibic shan Bilyan oo doolar ($3.5bn).
Warbixintan oo uu Isniinta maanta soo saaray ururka Association of International Development Agencies, waxaa lagu sheegay in dib u dhiskii Qaza kadib dagaalkii Israel ku burburisay aan waxba laga qaban.
Warbixinta ayaa tilmaantay in balanqaadkii shirkii Qaahira ee 6 bilood ka hor aan waxba laga fulin “Hadalladdii balanqaadka ahaa ee Shirkii Qaadhaanbixiyeyaasha ee Qaahira, wuxuun buu isku bedelay Weedho madhan” ayuu yidhi Winnie Byanyima, oo ah agaasimaha fulinta Hay’adda Oxfam oo warbixintan wax ka soo saartay.
Warbixintu waxay intaasi raacisay “Waxaa jira dib u dhis yar.ma jiro heshiis xabad joojineed oo joogto ah, ma jiro qorshe lagu dhamaynayo Xayiraadda Falastiiyiinta” ayaa warbixinta lagu sheegay iyadoo intaasna raacisay inaanay bulshada caalamku diyaarinayn qorshe lagaga baaqsado dagaal dambe oo falastiiniyiinta iyo Israel dhex mara.
Dagaalkii Israel ku qaaday Falastiiniyiinta sanadkii 2014-ka ayaa ka tagay dhimashada 2,132 falastiiniyiin ah iyo 71 Israel ah kadib dagaalka oo socday muddo laba bilood ah.
Inka badan 10,000 oo guri ayaa ku burburay Dagaalka, waxaana khasaare kale gaadhay inka badan dhawr iyo toban guri, iyadoo dadka guryo la’aanta noqday lagu qiyaasay 17,500 Qof.








