Golaha Wakiilad Somaliland oo Laalay Cashuurtii ay Xukuumadu ku soo rogtay Baaburta laga soo Dejinayo Dekeda.

0

Hargaysa (AN) Fadhigii maanta ee Golaha walkiilada ayaa lagu laalay Takaaliifta lagu kordhiyeyFadhigii maanta ee Golaha walkiilada ayaa lagu laalay Takaaliifta lagu kordhiyey Cashuurtii laga qaadi jiray Baaburta laga soo Dejinayo Dekeda Berbera.
lacagta ay Xukuumadu kordhisay oo ahayd $80 dollar ayuu goluhu laalay kadib Mooshin ay so curiyeen qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanku,

mooshinkan ayaa waxa golaha ka hor akhriyey Xildhibaan Siciid cilmi rooble.

Golaha ayaa Cod gacan taag ah ku meel mariyey iyagoo 39 xil ogolaaday in la laalo lacagtaasi halka ay

10 xildhibaan ka aamuseen cid diidayna may jirin sidaasina waxa ku ansaxay inaan wax cashuur ah oo dheeraad ah laga qaadin
Baaburta ka soo dagaysa Berbera oo aan ka ahayn intii hore looga qaadi jiray.

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk