Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo waftigii uu hogaaminayey oo si balaadhan loogu soo dhaweeyey Laascanood

0

Hargaysa(AN)Guddoomiyaha Xisbiga Talada dalka Haya ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi ayaa gaadhay Magaaladda Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool iyo jiida hore ee fadhiisimada ciidamada Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye iyo waftiga uu hogaaminayo oo socdaalo ku gaalaa bixinayay maalmihii la soo dhaafay gobolada Dalka Qaarkood ayaa madax dhaqameedka, Maamulka gobolka iyo taageerayaasha xisbigaas ee Magaaladda Laascaanood ay si diiran ugu soo dhaweeyeen Xarunta Laascaanood.

b

Xaflad balaadhan oo lagu soo dhaweynayo waftiga Guddoomiyaha Kulmiye uu hogaaminayo ayaa lagu qabtay Huteel Xamdi oo ku yaala Magaaladda Laascaanood, waxaana halkaasi ka hadlay odayada deegaankaas oo sheegay in ay soo dhaweynayaan waftiga uu hor kacayo Guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.t

Madax dhaqameedkan ayaa
balan qaaday in ay si dhab ah uga qayb geli doonaan diiwaan gelinta Madaniga ah, si ay hadhaw ugu fududaato in ay codad kula soo baxaan murashaxiinta Golaha Wakiilada Somaliland.

j

Intaasi ka dib ayaa waxa halkaasi hadalo ka soo jeediyay Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi Oo Ugu horeyn uga mahad celiyay sida loogu soo dhaweeyay Magaaladda Laascaanood.

“Waxa aan idiinka mahad celinayaa sida fiican ee aad noogu soo dhaweyseen Magaaladda Laascaanood, waxaanay ahayd runtii mid aanu filaynay” ayuu yidhij

Wuu sii watay hadalkiisa waxaanu intaasi ku daray “Siyaasiyiinta iyo garaadada beelaha Dhulbahante ka soo jeeda Somaliland marka aanu is aragno waxa ay nagula doodaan in aanu Soomaali kala goynayno, laakiin waxa aan taas ka leeyahay anagu soomaali ma kala goynayno ee waxa kala gooyay xeerkii AU Iyo UN-KA, Halkan 1960-kii laba dawladood oo isu tagay baynu ahayne dal ay qabsadeen maynaan ahayn, dal hore uga mid ahaan jirayna maynaan ahayn, laakiin Somalia iyo somaliland ayaynu kala ahayn, markaa dalkii aynu isu tagnay wuu dumay.kh

Aqalku hadii uu dumo dib ayaa loo dhisaa, hadii uu dhismihii hore ku noqon karana waa halkeeda, hadii kalena qaab kale ayaa loo dhisaa.

Dawladii Somalia way duntay, hadaba garaadada iyo siyaasiyiinta beesha dhul bahante ma waxa ay doonayaan in meeshaas gubanaysa aynu somalilandna ku darno.

Anagu waxa aanu leenahay maya ee aynu dhisano Somaliland oo aynu qaranimadeenana soo celino, kuwaana aynu caawino, marka ay dhibta ka baxaan ee aynu iyagana caawino, hadii ay somaliyi wada hadlayso waa halkeeda, laakiin aan noqono laba dawladood oo siman sidii aynu ahaan jirnay” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray “Ta Labaad waxa ay ku doodaan waxa aad doonaysaan dawlad isaaq oo keli ahi uu ka taliyo oo harti Minority ka yahay, taasna waxa aan ka leeyahay ninka harti Marnaba Minority noqon maayo, hadii aad qabtaan in marka xadka la soo xidho la idin kagaga tiro badanaayo, sharci kasta oo aynu xaqeena ku kala qaadan karo waynu sixi karnaa oo dastuurka inaga ayaa qoranay mana ah kitaab Munasil ah maaha, laakiin marka hore ama meeshaas gubanaysa igula dhaca ama kuu iman maayo ima qabato” ayuu yidhi muuse biixi cabdi oo hadal ka jeediyay munaasibad soo dhaweyn ah oo loogu sameeyay Magaaladda Laascaanood.

b

Isla Maanta ayay waftigaasi ka soo amba baxeen Magaalada Laascaanood oo ay xalay u hoydeen, waxaanay booqasho kooban ugu tageen ciidamada Qaranka ee ku sugan xadka ay Somaliland la wadaagto Maamulka Puntland, kuwaas oo ay kula dardaarmeen in ay dalkooda iyo dadkoodaba difaacaan.

 

Arabsiyonews.com

Lascanood Office