Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga Telesom oo Si Weyn uga Qayb Qaadatay Ololaha Nadaafada Dalka.

0

Hargeysa (AN) – Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom waxay si weyn uga qayb qaadatay ololaha nadaafadda qaranka waxaanay shirkaddu ka fulisay ololahan goboladda dhamaan dalka oo dhan.

Shirkadda Telesom ayaa dadweynaha magalaada Hargeysa kala qayb qaadatay nadiifinta xaafada State House oo ah xaafada isku raran ah oo ay ku nool yihiin dadka danyarta ah. Shirkadda Telesom ayaa dadweynaha xaafada State House ugu deeqday Kaaryoonayaal, majarafado iyo faralay waxaanay si fudud oo dhakhso badan uga nadiifiyeen xaafada State House.

800

Madaxa Xidhiidhka Dadweynaha ee shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo ayaa ka hadlay hawl-galkan shirkadda Telesom kaga qayb-qaadatay maalinta ololaha nadaafada, waxaanu sheegay inay muhiim tahay in shirkadda Telesom ay bulshadeeda kala qayb qaadato dhamaan dhinacayada horumarka dalka, waxaanay ku tilmaamay hawsha ololaha nadaafadda ee xukuumaddu ku dhawaaqday inuu yahay wax weyn oo saxadda iyo bilicda magaalada wax weyn ka tartay.

500

“Waxaan u mahadnaqayaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo runtii arkay baahida nadaafadu iyo qiimaha ay dalka ugu fadhido oo maanta iclaamiyey in laga wadda qayb qaato oo aan loo kala hadhin, Shirkadda Telesom iyadoo ka jawaabaysa dareenkaa madaxweynaha waxay olole ka qaaday xaafadda State-house-ka oo dad danyar ahi dagan yihiin oo muruq maala isla markaan xashiish badan leh inay shirkadda Telesom ka qayb qaadato uguna deeqdo qalabkii” Sidaasi waxaa yidhi Maxamed Cabdi Darbo

Madaxa Xidhiidh Dawladda ee Shirkadda Telesom Cali Maxamed Saalax (cajab) oo isna ka hadlay kaalinta ay shirkadda Telesom ku lahayd ololahan nadaafada Qaranka ayaa sheegay in shirkadda Telesom ay olole nadaafadeed ka fulisay xaafada State House oo u baahnayd in aad looga shaqeeyo. Muddane Cajab ayaa u mahadnaqay dhamaan dadka ka qayb-qaatay ololahan nadaafada ee dalka.

Guddidda Haweenka ee xaafadda State House-ka ayaa si weyn uga mahad-celiyey shirkadda Telesom qalabka ay ku caawisay ee ay kaga qayb qaateen maalinta nadaafadda Qaranka. Guddida ayaa sheegay in kaaryoonayaasha, majarafadaha iyo faralayda ay shirkadda Telesom ku caawisay ay si weyn ugaga qayb qaateen maalinta nadaafada qaranka.

Shirkadda Telesom ayaa sidoo kale goboladda dalka oo dhan xarumaha ay ku leedahay ka fuliyey ololahan nadaafadeed, kuwaasi oo ay hor kacaayeen maamulayaasha xarumaha shirkadda gobolada iyo shaqaalahooda waxaanay si mug leh u ajiibeen baaqii ka soo yeedhay xukuumadda ee bilicda magaalooyinka lagu nadiifinaayey.

200300400500 600 700

Arabsiyonews.com

Hargaysa Office