Badhasaab ku xigeenka Gobolka Gabiley oo ka qayb galay xadhiga ka jarida dhismaha xafiiska cashuuraha D/hoose ee Arabsiyo

0

Arabsiyo(AN)Munaasibad Xadhiga lagaga jarayay Xafiiska Cashuuraha ee dagmada Arabsiyood oo uu Dhismaheeda Hirgaliyay,Ganacsade C/samad Sh Maxamed Xuseen.Ayaa waxa kasoo qaybgalay Gudoomiye ku xigeenka Gobolka Gabilay.iyo Maayirka Dagmada Arabsiyo iyo Masuuliyiinta iyo shaqaalaha dawlada hoose ee Arabsiyo,iyo Ganacsadihii hirgaliyay

 dhismahan loogu talagalay Cashuuraha waxaana ugu horayn halkaa ka hadlay Maayirka Dagmada Arabsiyood C/laahi Cabdi Faarax,Waxaana ka mid ahaa hadaladiisii inuu aad ugu Faraxsan yahay Dhismaha ay maanta uu xadhiga ka jarayo gudoomiya ku xigeenka gobolka Gabilay aadna ugu Amaanayo ganacsade  C/samad oo ku dhiiradaybuu yidhi inuu ka Caawiyo dawladii hoose ee Magaaladiisa Arabsiyo uguna baaqay ganacsatada kale ee magaaladu inay kala shaqeeyaan Sidii horumarka looga wada shaqayn lahaa,Waxa kaloo,ISna halkan ka hadlay Ganacsade C/samad Sh Maxamed Xuseen oo sheegay inuu Maanta ku faraxsan yahay inuu KU wareejiyo Furihii Makhsinka uu ugu tala galay Cashuuraha dawlada hoose ee arabsiyo taasoo ku dhalisay Markuu arkay Madaxwaynaha Soomaaliland oo Runtii Horumarka kow ka ah ay ku dhalisay inuu ku dhiirado horumarka wadanka ka Socda,Guntii iyo Gabagabadii Waxa Soo Afmeeray Gudoomiye ku Xigrrnka Gobolka oo ku booriyay Bulshada Reer Arabsiyood In ay la tartamaan dagmooyinka Gobolka Sheegayna Inay Bari ku beegan tahay maalintii loo asteeyay nadaafada isagoo aakhirkiina KU amaanay C/samad inuu yahay shaqsi Horumar KU talaabsaday
PIC_0208
Muuse Xuseen xasan
Arabsiyo office