Isbahaysiga Sucuudigu Hogaamiyo Oo Hakiyay Duqaynta Yemen IYo Xaalada barakacayaasha

0

Cadan(AN) Hay’adda Laanqayrta Cas, ayaa sheegtay inay laba diyaaradood u dirayso dalka Yemen kuwaasi oo mid sido Gargaar Caafimaad u badan midna sido Shaqaale wax ka qabta xaaladda cakiran ee yemen ka soo gaadhay dadka.

Hay’adda ayaa fursaddan heshay kadib todobaad ay arrintan kala xaajoonaysay isbahaysiga Sucuudiga oo muddo 11 maalmood ah garaacayay Yemen, saarayna Xayiraad bad,bari iyo cirka ah. Gargaarka ayaa Isniinta la gaadhsiinayaa Yemen.

Afhayeen u hadlay isbahaysiga Sucuudigu hogaaminayo ayaa xaqiijiyay hakinta duqaynta Yemen, balse Xuutiyiinta ayaa sheegtay inay qarka u saaran yihiin qabsashada Cadan.

Axaddii ayay Xuutiyiintu sheegeen inay wada hadal nabadeed diyaar u yihiin haddii isbahaysiga Sucuudigu joojiyo duqaynta uu ku hayo Xuutiyiinta.

Duqaymaha Isbahaysiga ayaa la sheegay inay naafeeyeen Goobaha Militariga Xuutiyiinta iyo Saldhigyadii Cirka maadaama Xuutiyiintu hore u isticmaali jireen Diyaaraddaha iyo Saldhigyada Cirka Yemen.