Hargaysa(AN) Xisbiga muxaafidka ah ee kulmiye ayaa munaasibada sanadguurada 34 ee ka soo wareegtay aasaaska ururka SNM hambalyo uduray dhamaan halgamayaashii ururkaas
Ujeeddo: Hambalyo
Xisbiga KULMIYE wuxuu hambalyo iyo bogaadi u dirayaa dhammaan halgamayaashii, xaasaskii iyo agoontii SNM iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland munaasibadda Sannad-guurada 34-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii ururka SNM oo ku beegan 6-da bisha April 2015.
Xisbiga KULMIYE wuxuu Alle uga baryayaa inuu naxariista janno ka waraabiyo intii ku shahiiday halgankii dib-u-xoraynta qaranka Somaliland, inta xanuunsanaysana caafimaad sareecan ah siiyo.
Gabogabadii xisbiga KULMIYE waxa ka go’an xuska Shuhadadii SNM, xannaanaynta qoysaskii Shuhadada iyo intooda jilicsan iyo weliba xurmaynta guud ahaan halgankii iyo halgamayaashii ka qaybqaatay.
ALLAH MAHAD LEH
Jaamac Ismaaciil Cige (Shabeel)
Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee xisbiga KULMIYE








