War Murtiyeedkii Ka Soo Baxay Kulankii Ay Yeesheen Gudoomiyaasha Xisbiga Waddani Ee Waqooyiga Yurub Iyo Gudoomiyaha Guud Ee Waqooyiga Yurub A.Rashiid Hussein Omer Ku Joog Wuxuu U Dhignaa Sidan:

1.In la mideeyo lana dardar geliyo dhaqaalaha xisbiga ee waqooyiga yurub.
2.In la yeesho xidhiidh joogto ah .
3.In la isu diyaariyo sidii looga qayb qaadan lahaa doorasha inagu soo aadan.
4.In shirka dambe lagu qabto dalka Finland bisha Luuliyo ee inagu soo aadan
5.In si dhakhso ah loo magacaabo guoomiyaha dhalinyarada iyo gudoomiyaha haweenka ee waqooyiga yurub.Si loo dardar geliyo hawlaha xisbiga ee waqooyiga yurub.
6.In la sameesto kaadhka aqoonsiga xisbiga Waddani oo lagu midaysanyahay.
Gudoomiyaha dalkii loo martida ahaa ee Sweden
Baxnaan xaaji aden
wa bilaahi towfiiq.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland








