Madaxwayne Siilaanyo oo digreeto ka soo saaray Arimaha Qaxootiga

0

Hargaysa(AN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne ku go’aamiyey In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha oo hore uga tirsanayd wasaaradda Arrimaha Gudaha.

 

Date: – 02/04 /2015

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne ku go’aamiyey In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha oo hore uga tirsanayd wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:                Soo jeedinta Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta JSL ee summaddeedu tahay MRR&R/M/6/2025 ee ku Taariikhaysan 21/03/2015, ujeeddadiisuna tahay dib u soo celin Waaxdii Qaxootiga ee Wasaaradda Dib-u-dejinta oo hore loo hoos-geeyey Wasaaradda Arrimaha Gudaha;

Markuu Arkay:                Qoraalka summaddiisu tahay M/W/M/241-013/082010 ee ku Taariikhaysan 03/08/2010, ujeedadiisuna tahay in Xilka Wasaaradda Dib-u-dejinta lagu wareejiyo Wasaaradda Arrimaha Gudaha, taas oo looga gol-lahaa in la mideeyo labada Wasaaradood;

Markuu Tixgeliyey:      Dib-u-habaynta Wasaaradaha Xukuumadda ee kala saaridda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Wasaaradda

Dib-u-dejinta oo yeelatay jiritaan qaanuuni ah iyo Wasiir

hoggaamiya, Qaab-dhismeedkeediina dib loo soo     celiyey

Markuu Arkay:                Qoraalka Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore ee Jamhuuriyadda Somaliland ee summaddiisu tahay RSL/VP/AUNA/29-OO1/106 ee 08/01/2006 iyo Qabyo-qoraalka Xeerka Nidaamka Xukuumadda ee Golaha Wasiirradu ku ansixiyey Shir Lr. 132 ee 03/04/2014, isla markaana Xukuumaddu u       gudbisay Golaha Wakiillada Somaliland oo ay ku xusan tahay in dadka qaxooti ahaan u jooga   Somaliland, dadka            dib uga soo noqonaya Xeryaha, dadka qaxootiga ee dalalka dibedda ka soo noqonaya iyo barakacayaasha gudaha ay Xukuumadda Somaliland uga mas’uul tahay Wasaaradda Dib-u-Dejintu;

Wuxuu go’aamiyey

1.     In Wasaaradda Dib-u-dejintu u madax-bannaan tahay hawlaha la xidhiidha Qaxootiyada iyo Barakacayaasha.

2.     In Wasaaradda Arrimaha Guduhu ku wareejiso Wasaaradda Dib-u-dejinta Hawlaha ay haysay intii ay labada Wasaaradood isku jireen ee la xidhiidha qaxootiyada iyo barakacayaasha.

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada Madaxtooyada JSL.