Mudane Golaha Wakiilada Ka Geeriyooday Oo Cid Buuxisa Kursigii Aan La Hayn Iyo Sharciyadii Looga Wareegi Lahaa Oon Ilaa Hadda U Dagsanayn Golahaasi

0

Alle ha u naxariistee, Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland isla markaana ka mid ahaa xubnaha laga soo doortay xisbigii UDUB ee Gobolka Awdal oo shalay lagu aasay magaalada Boorama, ayaa waxa ay calaamatal su’aal saaran tahay cida buuxin doonta kursigii uu baneeyey, maadaama oo aanu jirin xubin kayd ah oo xildhibaanada xisbigii UDUB usii jooga gobolka Awdal.

Xisbigii UDUB ayay 12 xildhibaan uga tartameen gobolka Awdal doorashadii Golaha Wakiilada ee dalka ka dhacday sanadkii 2005-tii, waxaana xisbigaasi UDUB gobolka Awdal uga soo baxay 7 xubnood, halka 5-tii xubnood ee kale ee kaydka ahaa ay noqdeen xildhibaano buuxiya afar xildhibaan oo kuraastoodii golaha Wakiilada ka Geeriyooday oo ka mid ahaa todobadii xubnood ee soo baxay, halka xildhibaankii shanaad ee kalena golaha laga eryey oo xilkiisiina la soo bixiiyey kaas oo ahaa Xildhibaan Mahdi Xasan Sugaal.

sharciga lagu soo doortay Golaha Wakiilada 2005-tii waxa uu dhigayey in xildhibaanka geeriyooday uu kursigiisa soo buuxiyo musharaxii ugu codka badnaa ee xisbigooda ee keydka ahaa.

Waxaana in badan dhacday in xildhibaanka Golaha Wakiilada ka geeriyooda ama golaha iska-casila ama laga eryo uu soo buuxiyo musharaxa ugu codka badan musharaxiinta xisbigaasi ee gobolada dalka.

Hase yeeshee, Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane oo maalintii shalay lagu aasay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ayaan ilaa hadda la haynin xubin kayd ah oo ka tirsan xisbigii UDUB oo buuxiya kursigiisii.

Waxaana Xubintii Kaydka Ahaa ee xisbigii UDUB ugu dambeeyey Xildhibaan Xasan Muuse Hufane oo isagu badalay xildhibaan Axmed Maxamed Maxamuud (Afweyne) oo mudo laba sano ka hor ku siman geeriyooday, kaas oo ahaa xubintii UDUB ee musharixiinta gobolka Awdal ugu dambeeyey.

Si kastaba ha ahaatee, xaaladan ayaa noqonaysa markii ugu horaysay ee arintani soo wajahdo ama ku timaado Golaha Wakiilada mudadii Sagaalka sanadood ahayd ee golahaasi jiray, taas oo sidoo kalena Gobolka Awdal ka dhigaysa ama uu noqonayba Gobolka Kaliya ee xubnihiisii Kaydka ahaa ay dhamaadeen.

Inkastoo gobolada kale ee dalka ee Xisbiyadii Kulmiye, UDUB iyo UCID ee doorashadii Baarlamaanka ka tartamay ay dhamaantood kaydkoodii laga heli karo ama ay joogaanba.