Tahriibeyaal U Dhashay Yeman Oo Dekeda Berbera Ku Soo Xidhay

0

Halkan kaga bogo warkaas oo faahfaahsan

Dooni ay la socdeen 32 qof oo Yemeniyiin ah ayaa ku soo xidhay maanta dekedda magaalada Berbera, kaddib markii ay kasoo carareen colaadda ka socda dalkooda.

802b4afa42454a3090d583ad4a9afa97
Warkan ayaa waxa baahisay hay’adda aduunka u qaabilsan Qaxoontiga ee Marka magaceeda la soo gaabiyo UNHCR.

Hay’adda UNCHR ayaa sheegtay in qoxootigan Yemeniyiinta ah ay saamayn ku yeelatay qalalaasaha ka jira magaalada Ticis oo Koonfurta waddanka Yemen ku taalla, halkaas oo ay Xuuthiyiintu la wareegeen maalmo ka hor.

Sidoo kale, UNCHR ayaa xaqiijisay in 32ka qof ee Yemeniyiinta ah ay kusoo jireen badda muddo 12-saacadood ah, iyagoo nabad-qabana ayayna doonidooda kusoo xidhatay dekedda Berbera.

19711_409521202561158_4885242217327375597_n.jpg

Somaliland ayaan wax faahfaahin ah ka bixinin qaxoontigan ka soo cararay dalka Yeman iyo sida ay u qaabilayaan, waloow uu madaxweyne axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo khudbadii uu ujeediyay labada gole ku sheegay in ay taageerayaan hawlgalka sucuudigu uu hormuudka u yahay.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland