Hargeysa(AN):-Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siilaanyo ayaa markii ugu horraysay shaaca ka qaaday inaanay Doorashada Madaxtooyadda iyo Golaha Wakiilladu ku qabsoomay wakhtigii loo qorsheeyey, iyadoo ay muddo Xileedkiisa ka hadhsan tahay 90 maalmood oo qudha, waxaanu sheegay inay soo bixi doonto cidda iska leh eedda dib u dhaca Doorashooyinka.
Madaxweyne Siilaanyo waxa uu hadalkan kaga dhawaaqay mar uu gelinkii horre ee maanta khudbad-sanadeedkiisii ka jeedinnaayey fadhi wada-jir ah oo ay Baarlamaanka Somaliland iskugu yimaaddeen waa Guurtidda iyo Wakiilladee, waxaanu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo uu ku doodday inaanay jirin wax hawl ah oo Xisbul-xaakimka iyo Xukuumadda uu hogaamiyo ku habsaamay oo sabab u noqon karra dib u dhaca
ku yimid Doorashooyinka Somaliland, inkastoo uu hadalkiisu u muuqday inuu eedda iskaga riixaayo Guddiga Doorashooyinka qaranka, waanna halkan isagoo Madaxweynuhu arrintaas ka hadlaya, “Mudaneyaal waxaynu joognaa xilli ay qorshaysnaayeen Doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo Wakiilladu, hase-yeeshee waxa Koomishanka doorashooyinka qaranka ka soo baxay hindise ay ka muuqato in Doorashooyinku wakhtigooddii dhaafayaan, waxaan halkan ku caddaynayaa horrena idinku sheegay in aniga (Madaxweyne ahaan), Xukuumaddayda iyo Xisbigayga aanu si dhab ah ugu hawl-galnay in Doorashooyinku ku qabsoomaan wakhtigii loogu talo-galay” Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.
Madaxweyne Axmed-Siilaanyo isagoo wali ku dhex jirra dib u dhaca ku yimid doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo Wakiillada, isla markaanna iska fogaynaaya eeddooda ayaa waxa uu soo qaatay Saddex qodob oo ka mid ahaa waxyaabihii looga baahnaa Xukuumaddu inay fulliso si hore loogu socdo bilowga hawlaha doorashooyinka, ayaa waxa uu yidhi “Walaalayaal, hawlaha nagaga aaddanaa Doorashooyinka waxaa laf dhabar u ahaa Saddex qodob:
1. Diyaarinta Sharciga Diiwaangalinta Madaniga ah iyo Cod-bixiyayaasha.
2. Saamiga Dawladda ee dhaqaalaha Doorashada iyo Diiwaan-gelinta.
3. Magacaabidda Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Waxan idiin caddaynayaa in aanu dhammaan qodobadaas ku fulinay wakhtigii munaasibka ahaa ee Sharcigu tilmaamay” Ayuu yidhi Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.
Madaxweynaha Somaliland Md Axmed-Siilaanyo waxa uu qiray inay jiraan dib u dhacyo ku yimid xilligii doorashooyinka loo asteeyey inay qabsoomaan, hase-yeeshee muu tilmaamin cidda iska leh eedda dib u dhacaas, balse waxa uu adeegsaday Maahmaah soomaaliyeed oo caan ah, taasoo uu ku sarbeebaayey inaanu rabin inuu carrabaabo halka uu gaabisku ka yimid, “Waxaa muuqata inuu dib u dhac jiro. Waxaan leeyahay “Nin reer u weyni sida uu wax u ogyahay uma wada sheegee, cidda eeddaa yeelata way soo bixi doonta
Waxaan ku kalsoonahay inay Somaliland xaalad kasta oo timaadda kaga gudubto wada tashi, isu dul-qaadasho, is-qancin iyo wada jir. Sidaa darteed, dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso oo dhan (Mucaarid iyo Muxaafidba); waxan u soo jeedinayaa in aynu wada tashi iyo walaaltinnimo aynu ku dhammaysanno arrimaheena, innaga oo sharciga ixtiraamayna. Walaalayaal, waxaa waajib innagu ah, inaynu wax walba ka hor marino danta Qarankeenna”.
Khudbaddan uu jeediyey Madaxweynaha Somaliland ayaa ku soo beegantay xili uu Madaxwayne Siilaanyo iyo ku-Xigeenkiisa Md Saylici oo tallada dalka loo dhaariyey 27-kii July Sanadkii 2010-kii, kadib markii uu Xisbiga KULMIYE ku guulaystey Doorashadii Madaxtooyadda ee Somaliland ka dhacday 26-kii June Sanadkii 2010-kii, hase ahaatee maanta oo ay taariikhdu tahay 28-kii March 2015-ka ay uga hadhsan tahay mudadiisa Sharciyadda ah 90 cisho oo kaliya.
Arabsiyonews.com Office Gabiley somaliland









