Madaxweynaha Somaliland Oo xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Bank horumarinta ee KFW.+ Sawir

0

Hargaysa(AN)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xafiiskiisa ku qaabilay Wefti balaadhan oo ka socda Bank horumarinta ee KFW, oo ah bank laga leeyahay dalka Jarmalka, kaasi oo Somaliland ka caawin doona saddex qaybood oo noqon doona Biyaha Hargeysa, Nadaafada Hargeysa iyo biyo celinta iyo Caro celinta dhanka beeraha.

Kulankan oo ay madaxweynaha ku wehelinayeen Wasiirka Qorshaynta Qaranka, Wasiirka Maaliyada, Wasiirka Beeraha, Wasiirka Deegaanka, wasiiru-dawlaha Madaxtooyada, Maayarka Caasimada, Maareeyaha Biyaha iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha.

DSC_0010 DSC_0009 DSC_0006 DSC_0004 DSC_0003 DSC_0011 DSC_0013 DSC_0016 DSC_0018 DSC_0024

 

Arabsiyonews.com

Hargaysa Desk