Hargeysa (AN) Allah Haw U Naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) ayaa aas qaran loogu sameeyay Xabaalaha Naaso Hablood ee Magaalada Hargeysa.
Taliyaha Ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ka mid ahaa masuuliyiintii aaskaasi ka soo qayb galay aaskaasi ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan gacan ku dhiiglihii dilay marxuumka, sida ugu dhakhsaha badana loo horkeeni doono sharciga.
Waxaanu yidhi “Allah haw u naxariisto Marxuum Xuseen Gacmo dheere, waxa dishay gacan ka xaq daran, waxa kale oo aan halkan bulshada reer Somaliland uga sheegayaa sidii hadalkii madaxweynuhu uu shalay ku baxay in saacadaas aynu joogno gacan ku dhiiglihii saaran yahay gacanta oo ay socoto dacwadiisii, si degdeg a ahna loo marinayo waajibkiisii” ayuu yidhi









