Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Jarmalka Oo Ku Bur Burtay Buraha Dalka Faransiiska:-

0

Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande, oo goor dhaw ka hadlay shilkan diyaaradeed ayaa sheegay in ay yar tahay rajada lagu heli karo dad badbaaday

Diyaarad nooca Xamuulka qaada ah oo laga leeyahay Dalka Jarmalka ayaa ku bur burtay Buuraha Alps ee Koonfurta Dalka Faransiiska , waxaana yar rajada laga qabo in dadkii saarnaa diyaaradasai nolol lagu helo.

wing_1 (1)

Diyaarada bur burtay waxaa saarnaa dad gaaraya 148-qof waxa ayna Diyaarada ka baxday Magaalada Barceolana ee Dalka Spain waxa ayna kusii jeeday Magaalaada Duesseldorf, waxaa la sheegay in diyaarada ay dirtay qaylo dhaan ka hor intii aysan dhicin.

 

Madaxwaynaha Faransiiska Francois Hollande, oo goor dhaw ka hadlay shilkan diyaaradeed ayaa sheegay in ay yar tahay rajada lagu heli karo dad badbaaday, waxa uuna tilmaamay in ay
socdaan baaritaano iyo gurmad .

Diyaaraddan laga leeyahay Dalka Jarmalka ayaa waxaa adeegsanayay shirkadda Jarmalka ah ee Germanwings, oo ka hoos shaqaysa shirkadda diyaaradaha Lufthansa.

Wakiilka Arabsiyonews Media Center Germany