Hargaysa(AN):-Cuqaal Iyo Odayaal Ku Hadlay Afka Ilma Xasan Madar Oo Dacwad Dhul Ahi Kala Dhaxayso Ilma Yuusuf Ibraahim(Meecaad) Ayaa Shirjaraaid Oo Ay Ku Qabteen Hotelka Dalxiis Ee Magaalada Hargaysa Waxa Ay Kaga Hadleen Xukun Dib U Eegis Ah Oo Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali Uu Ka Soo Saaray Dacwada Dhulka Ah Ee U Dhaxaysa Labadaasi Qoys, Kaas Oo Odayaashu Ay Sheegeen In Uu Baal-Marsan Yahay Dhamaanba Xukunadii Ay Gaadheen Garsoorayaashii Ka Horeeyey.
Odayaashan Ayaa Sheegay In Dacwada Dhulka Ah Ee Labadan Qoys Ay Ku Dacwiyayeen Ahayd 2m*24m Balse Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland Uu Xukumay Wax Aanay Labada Dhinac Midna Ku Dacwiyeyn Oo Ah 12m*24m.
Odayaashan Ayaa Baaq Culus U Diray Xukumada
Somaliland Iyagoo Masuuliyada Wixii Halkaas Ka Dhaca Dusha Ka Saaray Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Somaliland .
Cuqaashii Iyo Odayaashii Halkaas Ka Hadlay Waxa Ka Mid Ahaa Caaqil Maxamed Cabdi Faarax, Caaqil Yuusuf Siciid Cabdi, Oday Ismaaciil Maxamed Warsame, Maxamed Saleebaan Cilmi Iyo Odayaal Kale Oo Dhamaantoodba Ku Hadlayey Afka Cuqaasha Iyo Odayaasha Ilma Xasan Madar.
Haddaba Muuqaalkan Ayaanu Idiinku Soo Gudbinaynaa Shirkii Jaraaid Ee Cuqaasha.
Jamhuuriyadda Somaaliland
Annagoo Ah Odayada Ilma Xassan Madar Waxaanu Madaxda Sharafta Leh U Soo Gudbinaynaa
Dhibaato Hor Leh Oo Ka Taagan Cadaaladda Uu Marooriyey Guddomiyaha Maxkamaddasare Ee Somaliland Yuusuf Ismaaciil Cali.
Halkan Waxaan Idiinku Soo Koobaynaa Dhammaan Xukumada Ka Dhacay Dhulka Ilma Xassan Madar Iyo Ilma Yuusuf Ibrahin Meecaad Isku Hayaan.
1. Waxa U Horreeyey Xukunkii Odayada 2da Reer Oo Ku Taariikhaysan25/09/1998.
2. Xukukii Guriga Subeer Awel 21/11/1999.
3. Xukunkii Maxkamadda Gobolka Oo Summadiisu Tahay Mgh/Dml/2004 Kuna Taariikhaysan 23/3/2008.
4. Maxkamadda Rafcaanka Summadiisu Tahay Mrh/D-Mrl/137/2008 Kuna Taariikhaysan
19/4/2009.
5. Maxkmadda Sare Summadiisu Tahay Ms/90/09 Kuna Taariikhaysan 28/9/2010.
Shantaa Xukun Waxay U Dhaceen Ilma Xasan Madar, Halka Uu Xukunka Dib_U_Eegista Ee Summaddiisu Tahay Ms/Db/5/011 Ee Guddomiyaha Maxkamadda Sare U Riday Dhanka Kale Baal Marayna Dhammaan Xukumadii Ka Horreeyey, Sidaa Awgeed Kuma Qanacsanin Sababtoo Ah:-
1. Xukunkani Wuxuu Ka Guuray Salkii Dacwadda Iyo Nuxurkeediiba.
2. Dhinaca Kale Waxuu U Xukumay Waxaysan Kuba Dacwiyin Oo Ah 12mx24m Halkay Ku Dacwiyayeen 2mx24m.
3. Xukunkani Wuxuu Khilaafsanyahay 266xhm Xeerka Dib U Eegista Iyo 5tiisa Faqradood.
4. Xukunkani Wuxuu Ku Xadgudbay Lahaanshaha Dhuleed Ee Ummada U Dhaxeeya.
Arrintan Waxay U Gudubtay Golaha Guurtida Oo Ka Soo Saaray Go’aanka Summadiisuna Tahay
Gg/Jsl/03/05/2013 Kuna Taariikhaysan 07/May/2013.
Warqaddaas Oo Nuxurkeedu Yahay 2qodobuun:-
1. In Xukunkani Ka Guuray Salkii Dacwadani Lahayd Yahayna Mid Baalmarsan Nuxurka Dacwadda.
2. In Garsoorayaal Madaxbannaan Loo Saaro Oo Arrintaa Dib U Eega.
Sidaa Darted Waxaanu Codsanynaa In Arrintan Cadaalad Darrada Weyni Ka Dhacday Hoos Loo Eego Iyadoo Xukunka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Iyo Fulintiisuba Khalkhal Amini Horseedayo.
Arabsiyonews




















