
Chelsea ayaa guul ay ku rafaaday kooxda Hull City garoonkeeda kaga soo gaadhay, waxayna Blues guushan ku soo gaadhay 3:2. Ramy oo ciyaarta badal ku soo galay ayaana Chelsea ka badbaadiyay barbaro ay kala kulmi lahayd dhigeeda Hull City oo si layaableh barbaro laba gool ah kaga daba timid qaybtii hore ee ciyaarta.
Hazard iyo Costa ayaa xili hore oo qaybta hore ee ciyaarta ahayd laba gool udhaliyay laakiin Ahmed El Mohamady iyo Abel Hernández ayaa qaybta hore ee ciyaarta Hull City u barbareeyay. Loïc Remy oo goolkiisii afaraad ka dhaliyay Hull City kadib markii uu afar kulan horyaalka kaga hor yimid ayaa kooxdiisa saddexda dhibcood u soo hooyay.Guushan ayaa Chelsea ka caawisay inay hogaanka horyaalka ku qabato lix dhibcood oo saafi ah inkasta oo aywaliba hal kulan gacanta ku haysato.
Kabtanka Chelsea ee John Terry ayaa Blues u saftay kulankiisii 450 aad ee horyaalka Ingiriiska kadib markii uu ku bilawday shaxda kooxdiisa Blues. Dhinaca kale ayuu kulankani Cahil u ahaa kulankiisii 150 aad ee tartamada oo dhan. Mourinho ayaana shaxdan la soo shirtagay.
Chelsea ayaa ciyaarta ku bilaabatay qaabc ciyaareed aad u fiican, waxayna ciyaarta hogaaka u qabatay isla daqiiqadii 2 aad ee bilawgii ciyaartaba, waxaana Blues goolka furitaanka udhaliyay Eden Hazard kaas oo kooxdiisa goolka ugu dhaliyay kubbad qurux badan oo uu Diego Costa ka helay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Chelsea hogaanka kula wareegtay xili horeba.
Chelsea ayaana sii waday qaab ciyaareedkeeda fiican ee ay kulankan ku bilaabatay, waxayna markale daqiiqdii 9 aad heshay fursada ay hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay, waxaana markan Chelsea goolka labaad udhaliyay gool dhaliyaheeda Diego Costa kaas oo isaguna ciyaarta u badalay 2:0 ay Chelsea hogaanka xili horeba ku dheeraysatay.
Goolkan ayaa ahaa goolkii 19 aad ee uu Costa xili ciyaareedkan ka dhaliyay horyaalka Ingiriiska, wuxuuna barbareeyay Harry Kane oo xalay kala wareegay hogaanka gool dhalinta horyaalka. Costa ayaana goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda iska lahaa Cesc Fabregas.
Iyada oo Chelsea hogaanak ciyaarta iskaga xaragoonaysa ayay Hull City markaliya hurdada ka toostay, waxayna bilawday inay weerar ku qaado goolka Chelsea.Kadib markii uu Courtios fursado halis ah kooxdiisa ka badbaadiyay ayay ugu danbayn Hull City la timid goolkeeda kowaad, waxaana daqiiqadii 26 aad udhaliyay Ahmed El Mohamady kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu caawinteeda lahaa Andrew Robertson Ciyaarta ayaa isku badashay 2:1 ay wali Chelsea hogaanka ku hayso.
74 seconds kadib ayay Hull City heshay goolka ay kula barbaraysay Chelsea, waxaana qalad ay galeen Courtios iyo Ivaronic ku ciqaabay Abel Hernández, wuxuuna markan ciyaarta u gadiyay barbaro 2:2 ah.Ivanovic ayaa dib kubbada ugu furtay Courtios laakiin Courtios ayaan awoodin inuu kubbada iska saaro wuxuuna ku dhubtay ciyaartogii hortaagnaa taas oo keentay in Adel uu kubbada ka soo booday goolka barbarha ku dhaliyo.
Hull City ayaana sii waday inay halis badan galis goolka Chelsea.Hull City ayaa 20 kii daqiiqo ee ugu danbaysay qaybta hore ee ciyaarta soo bandhigay qaab ciyaareed layaableh halka ay Chelsea 25 ka hore ahayd kooxda awooda oo dhan leh.Qaybta hore ee ciyaarta oo ahayd mid aad u xiiso badan ayaa ku dhamaatay barbaro 2:2 ah.
Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay markiiba Chelsea heshay fursad fiican oo ay xili hore markale hogaanka kula wareegi gaadhay,waxaana fursadaa ka faa’iidaysan waayay Fabregas.Daqiiqadii 64 aad ayuu Courtios sameeyay laba badbaadinood oo is xigay marka hore Elmohamady ayuu fursad halis ahayd ka badbaadiya halka uu Livermore oo kubbada siiracay haddan ka badbaadiyay.
Loïc Remy ayaa ciyaarta badal ku soo galay daqiiqadii 75 aad, waxayna inuu goolka saddexaad Chelsea u dhaliyaa ku qaadatay 2 daqiiqo oo kaliya. Remy ayaa daqiiqadii 77 aad kooxdiisa udhaliyay goolka ay markale hogaanka ciyaarta kula wareegtay, wuxuuna ciyaarta markiisa ka dhigay 3:2 ay Chelsea markale ku hormartay.Willian ayaana caawinta goolka Remy iska lahaa.
Hull City ayaa iyaduna markeeda haddana bilawday inay ka dagaalanto goolka looga hormaray waxayna goolka Chelsea ku soo qaadaysay weeraro isdaba joog ah, waxaana dadaalkeeda markasta hortaagnaa difaaca Chelsea oo markan doonayay inaysan qalad danbe samaynin.
Chelsea ayaa samaysay saddex bartilmaameed oo kaliya saddexdiina goolal ayay u badashay halka Hull City ay sideed bartilmaameed laba ka mid ah goolal u sariftay.Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:2 ay Chelsea ku gaadhay guul aad muhiim ugu ah hamigeeda ah inay hanato horyaalka Ingiriiska.








