Arabsiyo(AN)Dadwaynaha ku dhaqan Dagmada Arabsiyo ee Gobolka Gabilay Ayaa aad usoo dhaweeyay Maayorka Cusub ee ay doorteen Golaha Deegaanka ee Gobolka Gabilay Maxamed Aamiin Cumar Cabdi,
Waxaanay ilaahay uga baryeen inuu ufududeeyo Xilka Culus ee loo doortay,waxaanay ku tilmaamen inuu yahay Maayor Dhalinyarah .Runtiina Waxbadan kasoo Shaqeeyay Arimaha Bulshada.Waxa kalooy Amaan usoo jeediyeen Xildhibaanada Golaha deegaanka oo ay ku amaaneen Sida ay tanaasulka uMuujiyeen taas oo ay ku dheeradeen dadwaynaha ku dhaqan Degmada Arabsiyo doorka geesinimada leh ee ay ku doorteen hogaamiyihii hagi lahaa golaha degaanka Gabiley

waxaana hadaladooda kamid ah dadwaynahan fikirkooda ka dhiibtay maayarka cusub ee golaha degaanka Gabiley”Maxamed Aamiin waxaanu u aragnaa maayirkii horumarka iyo barwaaqada Gobolka Gabiley ,waxaanu ku leenahay ku soo dhawaaw gacma furan iyo kalsooni buuxda oo ay kugu soo dhawaynayaan bulshada Arabsiyo”
” Maanta Gobolkii Gabiley waxaanu ua aragnaa in uu ubishay waa cusub iyo mustaqbal fiican hadaanu nahay bulshada Arabsiyo waanu soo dhawaynaynaa goaankaa taariikhiga ah ee golaha degaanku ku doorteen Maayarka da’da yar”
Arabsiyonews.com
Muuse Xuseen Xasan
Arabsiyo Office








